Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Imaaraadka

Hargeysa (Berbera news) Madaxeyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta dalka ka dhoofay. Waxa uu sheegay madaxweynuhu inuu ka qayb galayo shir lagu casuumay Somaliland oo ay ka qayb galayaan 8 Madaxweyne oo ka socda Galbeedka Africa.
 
 
 
Shirka oo ka dhacay isku taga Imaaraadka Carabta, ayaa lagaga hadlayaa Maalgalinta Wadamada ka qayb galaya
 
 
 
“Waxaan maanta u baxaynaa safar yar oo gaaban, waxaanu ka qayb galaynaa Madal maalgalineed oo nalagu marti qaaday oo loo qabtay Dalal ka mid ah Africa-da galbeed, waxaa ka soo qayb galaya 8 Madaxweyne oo Africa-da galbeed ah. Waxaa ka soo qayb galaya Maalgaliyeyaal tiro badan anagana waa nalagu marti qaaday si aanu goob joog uga noqono oo aanu uga faa’iidaysano. Waxaanu u bandhigaynaa in somaliland tahay dal u furan Maalgashiga, fursado badan oo maalgashina leh” Madaxweyne xigeenka oo Saxaafadda kula hadlayay Madaarka
 
 
 
 
Berbera news/Hargeya