Wariye Cabdishakuur Heersare Oo Ka Waramay Qaabkii Uu U Dhacay Af-duub Ay U Geysteen Koox Taabacsan Wasiir Waran-cadde

Hargeysa (Berbera news) Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo ka mid ah Warbaahinta Madaxabanaan ee ka hawl-gasha Magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay in 7 Bishan Septebmar ay Lix Nin oo Watay Baabuur ay ku dhajisan tahay Taarikadda Dawladda Somaliland oo ka cabanayay Aragti oo Qof aanu garanaynin isagu uu qoraal ahaan kaga baahiyay Mareegaha Intertika Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancade ay ugu yimadeen goob ka ag dhaw Xafiiskiisa shaqo, halkaas oo ay xoog ku saareen Baabuurkii ay wateen, isla markaana ay u kaxaysteen Deegaanka Araabsiyo dhinaca Galbeed kaga Beegan Magaaladda Hargeysa.
 
 
 
 
Xoghayaha guud ee Ururuka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyadda Mucaaridka ayaa Cambareeyay Dhacdadani, waxaanay sheegeen inay arrintani ay tahay mid ugub ku ah Waddanka.
 
 
 
 
Geesta kale Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Wara-cadde oo arrintan ay Warbaahintu wax ka weydiisay ayaa hadal kooban ku sheegay inuu baadhitaan ku samaynayayo arrintaasi.
 
 
 
 
Dhacddan ayaa noqonaysa mid ku cusub Warbaahinta ka hawl-gasha guud ahaan Saxaafadda Somaliland, iyadda oo ay noqonayso markii u horaysay ee Wariye laga dhex qafaasho guddaha Caasimadda Hargeysa.
 
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa