Xukuukumadda Oo La Sheegay Inay Xisbiyadda Ku Soo Celisay Xubnihii Ay U Xusheen Inay Uga Mid Noqdeen Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay inuu damacsan yahay inuu dib u soo celiyo labada xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka ah Waddani iyo Ucid u dirsadeen Komishanka Doorashooyinka si ay uga mid noqdaan.
 
 
 
 
Xisbiga Waddani ayaa dhawaan u Gudbiyay Madaxweynaha Xubinta u matalaysa Komishanka Doorashada ee Wakhtigoodu dhamaanayo. Xubintaasi ayaa ah Dr Maxamed Cismaan Fadal oo hore iskaga casilay Xoghayaha Arimaha dibada ee Waddani.
 
 
 
 
Xogo uu helay Wargeyska Waaheen, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu diidan yahay aqbalaada Dr Maxamed Cismaan Fadal, isagoo ku sababaynaya inuu yahay Xisbi Yahan ku adadag Mabda’a Xisbiga Waddani, tan iyo markii la aasaasayna kus oo dhex jiray Xisbiga. Waxa uu sheegay in xubinta Komishanka ka mid noqonaysaa ahaato mid ka madax banaan Xisbiyada si aanay ula safan Xisbiyada.
 
 
 
 
Dhinaca kalena Xisbiga UCID ayaa Madaxweynaha u gudbiyay Xubinta hore ugu jirtay Komishanka Mr Cabdifataax. Waxa uu Madaxweynuhu u cuskaday xubintan inaan muwaadinku laba jeer ka mid noqon Karin Komishanka.
 
 
 
Komishanka Doorashada ayaa wakhtigoodu kaga eeg yahay 29 October. Waxaana Xisbiyada iyoXukumaddu danaynayaan in la bedelo Guddida wakhtigan hawlaha doorashada gacanta ku haysa oo dhaliil xoog lehi soo wajahday doorashadii goleyaasha degaanka ee sanadkii 2012-ka.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa