Boqor Bad-madow oo cambaareeyay hadal ka soo yeedhay Buur-madow

Anigoo ah Boqor Axmed Maxamed Xasan Badmadow, waxaan cambaareynayaa hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur-madow, kaasoo uu ku duray ama uu ku aflagaadeeyay Madaxweynihii hore ee Qaranka Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka hada oo uu sheegay inay Guryo ka dhisteen Hantida Qaranka, isla markaana uu boqor Buur-madow ku xaqirayo xuquuqda Siyaasaddeed ee ay Beesha labadaa Masuul ka soo jeedaan ku leeyihiin dalka.

Anigoo aad uga xun hadalkaas ka soo yeedhay Buurmadow waxaan xaalka ka siinayaa Beesha Samaroon oo aan u arko inay dalka xaq iyo xuquuq badan ku leeyihiin, iyaga Beelaha Bariga ee cabanaya.

Waxaanan u sheegayaa Boqor Buur-madow inay Beesha Samaroon ee uu dhaleeceeyay xaq u leeyihiin inay sheegtaan wixii xaq iyo xuquuq kaga maqan dawladda iyo cid kasta, taasoo  ah arrin dastuuriya oo ay xaq u leeyihiin iyaga iyo beelaha kale ee darafyadu.

Hadaba waxaan Boqorka u soo jeedinayaa inuu ka waantoobo hadalada aan munaasibka ahayn ee uu kula dhacdhacayo dadka kaaramada iyo qiimaha ka mudan dalka.

Waxaanan mar kale ku celinayaa in beelaha Sool iyo Awdal saami badan oo ay lahaayeen dawladda kaga maqanyahay, xaqna u leeyihiin inay ka hadlaan oo ay doontaan.

Alla mahad leh

Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow)