“Madaxweynuhu Laaxin Buu Geliyay Distoorka Qaranka, Waana Gef Distoori Ah, Dalkeenu Wuxuu Leeyahay Madaxweyne Iyo Madaxweyne-xigeen”

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha guddiga distoorka, shuruucda iyo garsoorka ee golaha wakiilada xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa gef distoori ahi ku tilmaamay hadal uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ka soo yeedhay, hadalkaas oo bulshada ka dhex abuuray doodo badan.
 
 
 
 
Xildhibaan Siciid oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sheegay in hadalkaasi gef ku yahay distoorka wadanka, “Hadalka la sheegay inuu ka soo yeedhay Madaxweynaha ee ah wasiirka wasiirada oo macnaheedu noqon karo raysalwasaare, guddi shuruuc ahaan ayaanu xaqiiqadiisa u raadinaynaa oo guddida ayaanu fadhiisinaynaa haddii hadalkaasu dhab noqdo.” Ayuu yidhi xildhibaanku
 
 
 
 
Waxaanu intaas raaciyay “Madaxweynuhu laaxin buu geliyay Distoorka qaranka waana gef distoori ah, guddiguna go’aan ayay ka soo saaraysaa, waayo dalkeenu wuxuu leeyahay madaxweyne, madaxweyne xigeen iyo wasiiro, sida ku qeexan distoorka Somaliland, malaha wasiir koowaad, malaha wasiirka wasiirada, mana laha raysalwasaare. Xum-xum hore oo la maqli jiray ayay arrintani markhaati u noqonaysaa.”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa