Wasaarada arimaha guduhu way ku fashilantay qorshaynta goobaha diiwangalinta

Tan iyo markii wasaarada arimaha guduhu ku dhawaaqday tirada goobaha ay ka dhici doonto
 
 
diiwaangalinta madaniga ahi waxa isasoo taraya dhawaqyada ku lid ka ah ee lagaga soo horjeedo
 
 
laguna qawadsan tahay tirada goobaha oo aad u yar kana kooban wadan ka oo dhan 200 xarumood.
waxaana dad badani ku macneeyeen xeelad siyaasadeed oo ay xukuumadu ugu talo gashay dib u dhac lagu sameeyo doorashda oo hada uu ka hadhsan yahy mudo ku siman 8bilood iyadoo in badan xukuumadu hore uga caga jiiday qabashada diiwaangalinta madaniga balse ay tani noqonayso qawda maqashii waxna haw qaban marka loo eego baaxada arintan iyo mudad hadhsan oo aad u kooban iyo waliba yaraanta goobaha loogu talo galay in ay ka dhacaan,hadii ay fashilanto arintani waxay god madaw ku ridaysaa rajadii dadka Somaliland ay ka filayeen xukuumadan oo kuwii ka horeeyay ku eedayn jirtay inaanay doorashooyinka waqtigoodii ku qaban balse waxa iyana lays waydiinayaa maxaa badalay mawqifkii xisbiga kulmiye oo had iyo jeer jeclaa inaan dib u dhac ku yimaado doorashooyin ka ma kursigaa tolow ?
 
 
 
 
 
dib u dhac kasta oo ku yimaadaa diiwaangalinta waxay iyana ka mid noqonaysa fashilanka siyaasadeed oo ku habsaday xukuumada kulmiye.
iyadoo dadweynuhu wali maskaxda ku hayaan qaladaadkii ku yimi doorashdii golah degaanka ee ay qabatay
 
 
xukuumada kulmiye ee uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo.waxa iyana la eegi doonaa balse sida ay u qabato tan soo socota iyadoo dadka siyaasada ka faaloodaa ay saadaalinayaan inay mudadii loogu talo galay ay dib uga dhici doonto balse way nu eeegi doonaa hadii la noolaado.
 
 
 
 
Deeq Cabdilaahi Cawaale