Wasiir Weedhihii Madaxweyne Siilaanyo Ku Muujiyay Awooda Xirsi Ku Tilmaamay Weedh Kaftan Ah

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa hadalkii Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in wasiir Xirsi yahay Wasiirka Wasiirada ku macneeyay mid kama ah islamarkaana xilkaasi aanu hayn wasiir Xirsi.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dastuurka Somaliland waa sida uu dhigayo qaabka Somaliland wakhtigan u dhisan tahay, waana Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen.intaa wixii ka baxsani waa Gole Wasiiro, wasiirku wasaaradda uu joogaa tay doonto ha noqoto ee waxay ku soo wada baxaan Digreeto isku mid ah oo Madaxweynaha qaranku soo saaro. Qaabkaa wixii ka duwan ee dalka lagu dhaqayo, Madaxweynaha oo kaliya xilkaasi ma saara oo ma khusayso ee waa mid ku salaysan Dastuurka Dalka.” Ayuu yidhi Wasiirku
 
 
 
 
Wasiirku waxa uu yidhi isagoo Qiil u raadinaya hadalka Madaxweynaha “Sidaasi darteed, haddii Madaxweynuhu Eray yidhaahdo, dee waxaa la is odhan karaa mid kaftan ah, mid aan loogu tala galin ayaa la is odhan karaa oo si kadis ha uga soo bixi kara, waxaa laga yaabaa Wasiirka Madaxtooyadu in Shaqadaa uu Madaxweynaha la hayay sidii loogu tala galay uga soo baxay laakiin Wasiirka Madaxtooyada iyo anigu laba wasaaraddood oo isku mid ah ayaanu joognaa waxaanu ku kala duwannahayna ma jirto. Waxay ku kala duwan yihiin intaas oo wasiir oo dalka xil u haysaana ma jiro”
 
 
 
 
 
Intaasi ka dib waxa Wasiir Abgaal sheegay inay aad u liidato in eraygaasi wax laga raadiyo “ haddii ay jirto cid intaas wax ka raadi leh, dee waxaan leeyahay waa wax liidata oo aan macno badan lahayn”
 
 
 
Hadalka Wasiirka Boosaha ayaa daba socda hal shalay ka soo baxay Kusimaha gudoomiyaha waddani ahna ku xigeenka Axmed Muumin Seed Oo sheegay inaan Somaliland u dulqaadan doonin Ra’isal wasaare ama wasiirka wasiirada “Somaliland waa dal dimuqraadiyad ku dhisan maadam oo madaxweynaha iyo madax weyne xigeenku si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi Karin madaxweyne Ahmed siilaanyowuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare (wasiirka wasiirada) kaas oo aha sharci daro isla markaana xadgudub ku aha dastuurka iyo shauruucada dalaka islamarkaana ka hor imanayasa saami qaysbiga Somaliland ku soo caano maashay” ayaa ka mid ahaa hadalka Axmed Muumin Seed
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa