Weedhihii Madaxweyne Siilaanyo Ku Shaaciyay Awooddaha Wasiir Xirsi Oo Murano Kala Duwan Abuuray: Faalladda Berbera news

Hargeysa (Berbera news) Isniintii Todobaadkan ayuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Xarunta Madaxtooyadda kulan lagaga hadlayay qaabka ugu haboon ee Dalka lagaga qaban-karo Diwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland kula yeeshay Guddoomiyayaasha Goboladda Somaliland iyo Maayiradda Degmooyinka, waxaana uu halkaasi Madaxweyne Siilaanyo kaga tiiraabay weedho ay Bulshadda, Siyaasiyiinta Axsaabta Mucaaridka iyo Masuuliyiinta Dawladdu aragtiyo kala duwan ay ka bixiyeen, kuwaas oo Nuxurkooddu ahaa “Wasiirka Wasiiradda” waxaanay tilmaameen in Madaxweynuhu uu dibada u soo-saaray awooddaha uu leeyahay Wasiir Xirsi oo uu in badan qarinayay.
 
 
 
Arrintaasi waxay keentay in aragtiyo iska hor-imanaya laga bixiyo, taas oo Xisbiyadda Mucaaridku ay qaadaceen qaabka uu Madaxweynuhu u sheegay hadalkaas , kuwaas oo ku eedeeyay inuu awoodihii Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici siiyay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan, isla-markaana uu baal-maray Qawaaniinta iyo Dastuurka qaranka u dejisan.
 
 
 
Bulshadda Somaliland ayaa hadalkaas Madaxweynaha ku tilmaamay inuu uga jeeday Wasiiradda, halka ay qaarkoodna ku sifeeyeen inuu muujiyay awooddaha lagu sheego inuu adeegsado Wasiir Xirsi, halka Mucaaridku-na ay arrintaasi Siyaasad ahaan uga faa’idaysteen oo ay sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo uu jabiyay Dastuurkii qaranka oo afkiisa kaga dhawaaqay Raysal-wasaare Sharci-daro ah.
 
 
Warbaahinta Qaybaheeda kala duwan ayaa qaarkood waxay baahiyeen Madaxweynaha oo ay hadalkaasi afkiisa ay ka soo baxday, halka TV-ga qaranka ee ku hadla afka Xukuumadda uu jar-jary hadalkaadalkaasi oo uu ku soo koobay “Waa siday Sheegeen Wasiiraddu” laakiin marka loo fiirsado erayadaasi Madaxweynuhu sheegay laga daremayay in hadalkiisa (Madaxweynaha) la Jar-jaray, halka Telefishanka Madaxbanaan ee Horn Cable TV si toos ah looga daawaday hadalkaasi oo sax ah.
 
 
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa xiligii ay Xukuumadda KULMIYE ay taladda qabatay waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Chief of Cabinet, xilkiisaasi oo muran ka abuuray Saaxada Siyaasadda iyo Xukuumadda uu Madaxweynuhu xiligaasi soo magacaabay, iyadda oo dadka qaarkood ay ku sababeeyeen inuu hayo Xil Raysal-wasaarimo oo qarsoon, halka ay qaarkood-na ku sifeeyeen inuu adeegsanayo awoodda gaar ah oo aanu Dastuurku siinin, iyadda oo Masuuliyiin uu muddadaasi Madaxweynuhu Xil ka qaadis ku sameeyay ay u nisbeeyeen xil ka qaadis-toodda.
 
 
 
Muddo ka dib Wasiir Xirsi waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Madaxtooyadda, isaga oo lagu tiriyo Wasiiradda ugu awoodda badan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, talooyinka ka soo baxa Xarunta Madaxtooyadda qayb ka ah.
 
 
 
 Halkan ka Daawo Hadalkii Madaxweynuhu ku sheegay Weedhahan Muranka Abuuray.

 
 
 
Berbera News/Hargeysa