Xisbiyadda Mucaaridka Oo Wadda-jir U Qaadacay Diwaangelinta Madaniga Ah

Hargeysa (Berbera news) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa sheegay inay qaadaceen Diwaangelinta Madaniga ah oo Xukuumaddu ay hore u sheegtay inay Qabsoomayso dhawaan.
 
 
 
 
Xisbiyadan oo Maanta si Wadda jir ah Shir Jaraa;id ugu qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray waxa uu sheegay inay Go’aaansadeen qaadicida Diwaangelintan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “WaxaanuTaageerayaashayda ugu baaqaynaa inay nagu taageeraan labada xisbiga inaanu qaadacnay Diwaan galintaas oo aanay ka qayb-qaadan. Markaa rasmiyan waxaanu halkan ka sheegaynaa inaanu qaadacnay Diwaan galintaas loo bixiyey Madaniga” ayuu yidhi Cali-guray
 
 
 
 
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa sharaxay sabahaha ay u qaadaceen Diwaangelintan Madaniga ah., Waxaanu yidhi “Markaanu aragnay Ballamihii badnaa ee Beenta ahaa, Markaanu aragnay heshiisyadii Caalamku nala Ogaa inay wada baal mareen, waxaanu Shacabka Somaliland, gaar ahaana taageerayaashayada u sheegaynaa inaanu qaadacnay Diwaan galinta Madaniga ah ee meel ay ka socoto iyo meelay sal ku leedahay ba aanan garanayn ee waliba la doonayo Shicibku si uu u kaco in la yidhaahdo Degmo heblaayana 10 Goobood, degmo helbaayana 30 Goobood, ee Goboladii la leeyahay midna waa 20 Goobood midna waa 50 Goobood, si dadka loo kiciyo, waxaanu isla garanay labadayada Xisbi Mucaarad inaanu qaadacno Diwaan galinta Madaniga ah”
 
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba-jooga ah walaac uga muujinayay Diwaangelintan, iyaga ku sabeeyay Doorashooyinka.
 
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa