Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Waddo Qorshe Baarlamaanka Lagaga Ansixinayo Diwaangelintii Ay Qaadaceen

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa Warbaahinta uga ka waramay Ujeedda Shir uu kaga Qayb-galay Dalka Iimaaraadka Carabta, kaas oo uu sheegay in lagaga hadlayay Maalgashiga Caalamiga ah , waxaanu xusay in uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Wadamadda Galbedka Afrika oo Shirkaasi ka soo qay-galay.
 
 
 
 
Xoghayaha arrimaha Bulshadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa Sheegay in Xeerka Diwaangelinta Madaniga ah ee ay Todobadkii hore qaadaceen Xisbiyadda Mucaaridku ay Xukuumaddu Qorshaysnayso inay u Baarlamaanku u ansixiyeen.
 
 
 
 
Geesta kale Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sheegay inay Xisbi ahaan jawaab ka bixinayaan eedo uu Shalay Wasiirka Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi uu u jeediyay Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.
 
 
 
 
 Diwaangelintan Madaniga ah ayaa Xisbiyadda Mucaaridku ay qaadaceen Khamiistii Todobaadkii hore, iyaga oo sheegay in Xukuumaddu ay ku carqaladaynayso Doorashooyinka.
 
 
 
Halkan ka daawo.
 
 

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa