Xisbiyadda Mucaaridka Oo Sheegay Inay Xukuumadda Wadda-hadal Ka Yeelanayaan Diwaan-gelinta Madaniga Ee Khilaafka Abuurtay

Hargeysa (Berbera news) Masuuliyiin u hadlay Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa sheegay in Xubno Wasiiro ah oo Xukuumadda ka Tirsan ay wadda-hadalo ka yeesheen sidii xal looga gaadhi-lahaa Muranka ka dhashay Xeerka Diwaangelinta Madaniga ah, kaas oo Hadda Hor-yaala Baarlamaanka.
 
 
 
 
Ku Xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo Magaaladda Hargeysa ay si wadda-jira ah Shir Jaraa’id ugu qabteen Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uuracade ayaa sharaxay qaabka ay Xukuumadda wadda-hadalka uga yeesheen Diwaangelintan Madaniga ee Muranka Abuurtay.
 
 
 
 
Geesta kale Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uuracdre ayaa sheegay in  hore Xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumaddu ay hore Heshiis ku wadda-gaadheen Inay Somaliland ka qabsoomaan Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Madaniga.
 
 
 
Murankan Diwaangelinta Madaniga ayaa ahaa mid ay Aragti-ahaan ku kala Fogaayen Xisbiyadda Mucaaridka iyo Xukuumadda,kaas oo keenay inay Mucaaridku qaadaceen, hase-yeeshee Talaabaddan ayaa u muuqata inay sidii hore iskaga soo dhawaadeen, waxaan laga dhur-sugayaa Go’aanka ay isla-qaataan.
 

 
Halkana Ka Daawo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa