“Wuu Naga Soo Dhamaanayaa Dul-qaadkii, Hadaad Dib U Raacdo 1994-kii Dagaalku Waxa Uu Ka Dhacay La Isku Joonin-maayo” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa  (Berbera news)  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay tahay markii labaad ee ay Madaxweynaha ku soo noqdaan, waxaanu yidhi “Horta waa aragtaan oo waa markii labaad ee aanu Madaxweynaha u nimaadno, labada jeerna anagaa goosanay inaanu u nimaadno, sababtoo ah waxaanu aragnaa inuu Xeerka la gudbiyay yahay mid aan Dalkan u fasaxayn inay doorasho ka dhacdo. Waxaanu aragnaa habka loo wado Taysaradani inay tahay mid lagu habsaaminayo inay doorasho dhacdo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
 
 
 
 
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Sabtida Markaanu Madaxweynaha la kulano waxay noqonaysaa inay habka Taysaradan loo wado ay ku soo celiyaan sidii lagu heshiiyay iyo inaanu ka hor istaagno sii wadida arintaas si doorasho u suuro gasho”
 
 
 
Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi sii raaciyay “Kaadhka Aqoonsiga lama diidana laakiin caqliga ma gasho Taysaraha marka la qabto ayaa la ina ictiraafayaa waa waxa Habraha loogu sheekeeyo.Taysaraha marka la qabto ayaa la qabanayaa Kaadhka Codayntana ma suuro galayso. Waxaanu u aragnaa khidad wadanka mugdi galinaysa.haddii aan arintaas Sabtida aanan ka heshii war dambe ayaanu ka soo saari doonaa”
 
 
 
 
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay inay ilaa 23-kii bishi hore Ergo ahaayeen, haatana dulqaadku ka dhamaaday. Waxa uu sheegay inaanu dalkani ku soconayn la isku joojin maayo.
 
 
 
 
Halkan ka Daawo

 
 
Berbera news/Hargeysa