Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Eedo Ay Mucaairdku Uga Jeediyeen Inay Kaga Baxeen Wadda-hadalkii Xalka Loogu Raadinayay Khilaafka Diwaan-gelinta

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in xisbi ahaan aanay ka bixin wadda-hadalkii xalka u noqon-lahaa Muranka ka taagan Diwaan-gelinta Madaniga oo ay Yeelan-lahaayeen Xisbiyadda Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland, iyadda oo Xisbiyadda Mucaaridku ay sheegeen in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu ay kaga baxeen Wadda-hadalkaasi.
 
 
 
 
Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxa kale oo uu sheegay in Xisbi ahaan aanay ka mid ahayn Kulamo ay Xisbiyadda Mucaaridku la yeesheen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda .
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka ayaa iyagu xalay sheegay in Xukuumaddu ay kaga baxday Wadd-hadaladii ay ka yeelan-lahaayeen Muranka ka taagan Diwaan-gelinta Maddaniga.
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa