Bixinta gabadh uu dhalay madaxweyne Siilaanyo oo caawa ka dhacaya Madaxtooyada Somaliland

Munaasibadda bixinta iyo Meherka, ayaa caawa ka dhacaya Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Caasimadda Hargeysa, waxaana ka qaybgalaya dad fara badan oo isugu jira Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale ee Golayaasha dawladda, Boqollaal Madaxda Dhaqanka dalka ka tirsan oo lagu soo casuumay, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale oo lagu maamuusay ka qaybgalka Casuumadda bixinta Gabadha uu Madaxweyne Siilaanyo dhalay.
Weriyeyaal Aftahannews ka tirsan oo aanay u suuragelin inay gudaha Madaxtooyada galaan, ayaa ku soo warramaya in Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ammaankeeda aad loo adkeeyey galabta, isla markaana Ciidammo dheeraad ah lagu xeeray Hareereheeda, waxaana ku qulqulaya Masuuliyiinta iyo Marti-sharafta kala duwan ee lagu casuumay ka qaybgalka Munaasibadda Meherka iyo Bixinta Gabadha uu Madaxweyne Siilaanyo dhalay.
Weriyeyaasha Aftahannews ka tirsani waxay ku soo warramayaan inay indhohooda ku arkeen Baabuur tiro badan oo dhooban Safaaradda Masaarida (Maktabadda Masar) ee Madaxtooyada dhinaca Bari ka xigta illaa is-goyska Wasaaradda Maaliyadda ee Madaxtooyada dhinaca Galbeed ka xigta, intaasoo ay Ciidammada Ammaankuna joogaan, Gaadiidkaas oo ah kuwa ay Masuuliyiinta, Madax-dhaqameedka, Ganacsatada iyo Marti-sharafta Xafladda ka qaybgalayaa wataan. Waxaana Xafladda Arooska ka qaybgeli doona Fannaaniin Caan ah oo ay ka mid tahay Fannaanadda Nimco Yaasiin iyo kuwo kale.
Warkan oo dhammaystiran kala soco Aftahannews saacadaha soo socda ee Caawa haddii Illaahay raalli ka noqdo Insha Allaah oo aannu idiinku soo gudbin doonno.
Hargeysa/Somaliland.