Duufaannadda Xornimo Doonka Ka Dilaacay Qaaradda Yurub Oo Faa’iido U Noqon Kara Qaddiyadda Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Dadweynaha ku dhaqan degaannada dhulka Scotland, ayaa u dareeraya afti ay doonayaan inay kaga madaxbannaanaadaan dalka Ingiriiska Khamiista maanta, arrintaasoo duufaanno dhul-gariir siyaasadeed ah ku furtay dalalka qaaradda Yurub.
 
 
 
 
 
Warbixinno kala duwan oo wargeyska Jamhuurya arkay, ayaa muujiyey in ololaha dadweynaha reer Scotland ku doonayaan inay noqdaan dal ka madaxbannaan waddanka Ingiriiska oo ay ka mid ahaayeen muddo saddex qarni ah (307 sanno), uu fursad fiican u noqday gobolo badan oo muddo dheer raadinayey inay noqdaan dalal ka madaxbannaan waddamo reer Yurub ah oo ay ku hoos jiraan, kuwaasoo ay ugu cadcad yihiin degaanka Catalania ee dalka Spain, xaruntiisuna tahay magaalada caanka ah ee Barcelona, ololahaasoo sidoo kalena faa’iido u noqon kara qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo 23 sanno ah xornimo iyo dawladnimo buuxda haystay, kadib markii ay sannadkii 1991-kii la soo noqdeen midawgii Soomaaliya ay la galeen 1 July 1960.
 
https://i0.wp.com/jamhuuriyamedia.com/wp-content/uploads/2014/09/dalalka-ay-saamaynayso.jpg?resize=642%2C338
 
 
 
Dadweynaha ku dhaqan dhulka Scotland oo tiradiisu dhan tahay 5.295 milyan (shan milyan, laba boqol, sagaashan iyo shan kun) oo qof ayaa ku nool Scotland, waxay codkooda ka dhiiban doonaan aftida loo dareerayo Khamiista maanta, kuwaasoo loogu tallogalay inay cod ‘HAA’ ah ku taageeraan madaxbannaanida si ay noqdaan dal gaar ah oo daris la ah waddanka Ingiriiska iyo codka ‘MAYA) oo lagaga soo horjeedo madaxbannaanida Scotland, laguna taageerayo inay ka mid ahaan dalka Ingiriiska, iyadoo saadaasha la helay tilmaamayso in dadweynaha badankoodu codka haa ku taageeri doonaan madaxbannaanida Scotland.
 
 
 
 
Xisbiyada siyaasadda ee dalka Ingiriiska, madaxda iyo diblomaasiyiinta waddankaas oo uu ugu horreeyo Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameroon, ayaa dedaal weyn ugu jira sidii looga hortagi lahaa in Scotland ka madaxbannaanaado waddanka Ingiriiska, waxay maalmihii u dambeeyey jeediyeen khudbado iyo hadalo ay dadweynaha reer Scotland kaga codsanayeen in aanay codkooda ku taageerin in Scotland noqdo dal madaxbannaan oo ka go’a waddanka Ingiriiska, balse, madaxda Ingiriisku awood sharci uma laha inay xoog ku horjoogsadaan madaxbannaanida Scotland, waxa qudha ee dedaalkoodu yahay inay dadweynaha ku qanciyaan in aanay taageerin madaxbannaanidaas.
 
 
 
 
Hasayeeshee, siyaasiyiinta reer Scotland oo uu ugu horreeyo hoggaamiyaha xisbiga SNP (Scotland National Party) ninka lagu magacaabo Alex Salmond, ayaa olole ballaadhan ugu jira sidii Soctland u noqon lahaa waddan madaxbannaan, kana hoos baxa midawga ay dalka Ingiriska kula jireen muddada 307 sanno ah, iyadoo dadweynaha isku diiwaangeliyey inay aftidaas ka qaybgalaan oo tiradoodu dhan tahay 4.2 milyan oo qof (4 milyan iyo laba boqol oo kun) oo la saadaalinayo inay aad isugu dhawaadaan tiradada dadka taageera madaxbannaanida Scotland iyo kuwa ka soo horjeeda.
 
 
 
Natiijada cod-bixinta aftida ka dhacaysa Scotland, ayaa la filayaa inay si rasmi ah u soo baxdo Jimcaha berri, iyadoo aan ilaa hadda si rasmi ah loo sheegi karin waxa natiijadaasi noqon karto, balse waxa xogaha kala duwan ee soo baxay iftiiminayaan in codka ‘HAA’ ee lagu taageerayo madaxbannaanidu wax yar ka bato codka ‘MAYA’ ee lagaga soo horjeedo, waxayna natiijadaasi si rasmi ah u kala cadaan doontaa marka ay soo baxdo Jimcaha berri.
 
 
 
Aftida dadweynaha reer Scotland u dareerayaan maanta natiijadeedu nooca ay doonto ha noqotee, waxa cad inay saamayn ku yeelanayso dalal badan oo qaaraddaha Yurub iyo Afrika ah oo dhul iyo gobolo ka mid ah doonayaan inay noqdaan dalal madaxbannaan, arrinkaasoo noqday duufaanno xornimo-doon ah oo ka dilaacay Yurub, iyadoo sidoo kale aftida Scotland faa’iido siyaasadeed u noqon karto qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo 23 sanno ah olole ugu jirtay inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka.
 
 
 
 
Dalalka Yurub ee xornimo-doonka Scotland saamaynta ku yeelanayso
https://i0.wp.com/jamhuuriyamedia.com/wp-content/uploads/2014/05/Somaliland-23-years-of-peace.jpg?resize=617%2C287
 
Aftida xornimo-doonka ah ee dadweynaha reer Scotland u dareerayaan maanta, waxay saamayn ku yeelan doonta dalalka Spain, Jarmalka, Talyaaniga iyo Belgium oo ah xarunta Midawga Yurub, kuwaasoo degaanno ka mid ah doonayaan inay helaan xornimo ay kaga madaxbannaanaadaan dalalkaas, waxayna saamaynta ugu weyn ku dhacaysaa dalka Spain oo olole xoogan kula jira degaanka Catalania oo xaruntiisu tahay magaalada caanka ah ee Barcelona, kaasoo doonaya inay noqdaan dal gaar ah oo ka madaxbannaan dalweynaha Spain.
 
 
Dadweynaha ku dhaqan dhulka Catalonia oo tiradooda lagu qiyaaso 7.4 milyan oo qof (toddoba milyan iyo afar boqol oo kun), ayaa olole ballaadhan ugu jira inay noqdaan dal gaar ah oo sidiisa u madaxbannaan, kaasoo noqor kara waddan ka dad badan isku darka dhawr dal oo ka mid ah Midawga Yurub, iyadoo dadweyne aad u badan sameeyeen mudaharaad ay xornimo ku doonayaan toddobaadkii hore, kuwaasoo dhiirigelin dheeraad ah ka heli doona aftida reer Scotland u dareerayaan maanta.
 
 
 
Dalka Talyaaniga, waxa madaxbannaani doonaya degaannada loo yaqaan Padania oo ku yaal dhinaca waqooyi ee Talyaaniga, balse xornimo-doonka dhulka Padania wuu ka meeqaam hooseeyaa ololaha madaxbannaanida Catalonia ku doonayaan inay kaga madaxbannaanadaan Spain, iyadoo muddooyinkii u dambeeyeen siyaasiyiinta degaannada Padania ku heshiiyeen inay qaab federaal ah ula heshiiyaan dalka Talyaaniga, hasa yeeshee figrada xornimo-doonku waa wax ka dhex guuxaya dadweynaha ku dhaqan degaannada Padania ee dalka Talyaaniga.
Degaannada Koonfurta dalka Jarmalka ee loo yaqaan Bavaria, ayaa iyaguna maskaxda ku haysta inay noqdaan dal ka madaxbannaan waddanka Jarlamka, iyadoo dadka gooni-u-goosadka ah ee ku dhaqan dhulka Bavaria si hoose u xoogaysanayaan, balse maaha qaar gaadhay heerka degaannada Scotland iyo Catalonia ay ku doonayaan inay kaga madxbannaanaadaan dalalka Ingiriiska iyo Spain ee qaaradda Yurub. Halka degaannada lagaga hadlo luuqada Faransiiska ee Walloons ee dalka Belgium doonayaan inay madaxbannaani helaan, kuwaasoo la fikir ah degaannada lagaga hadlo luuqada Dutch-ka (Holland) ee isla waddanka Belgium oo iyaguna raadinaya madaxbannaani.
 
 
 
 
Qaaradda Afrika iyo saamaynta madaxbannaanida Scotland
 
 
 
Sharciyaqaan lagu magacaabo Andrew Friedman, ahna sarkaal u dooda xuquuqda bani’aadamka, qoraalana ka diyaariyey is-beddeladda shuruucda iyo xeerarka qaaradda Afrika, ayaa warbixin uu diyaariyey, laguna baahiyey warbaahinta ka hadasha arrimaha Afrika shalay wargeyska Jamhuuriya qaybo ka mid ah soo qaatay, waxa uu ku sheegay in goobo badan oo madaxbannaani ka raadinaya dalalka qaaradda Afrika ay si weyn isha ugu hayaan aftida dadweynaha reer Scotland u dareerayaan Khamiista maanta, isagoo si gaar ah u soo qaatay dalka Somaliland oo muddo 23 sanno ah madaxbannaani haysta iyo Jasiirrada Zanzibar oo maamul ahaan hoostagta dalka Tansaniya ee bariga qaaradda Afrika.
 
 
 
“Somaliland waa degaan dhul ahaan ka weyn dalka Ingiriiska, kana tirsanaa Soomaaliya, waxay si iskood ah u qabteen afti ay dadweynuhu 97% ku taageereen inay noqdaan dal madaxbannaan, aftidaasoo goob-joogayaal caalami ah muujiyeen inay ahayd mid u dhacday si xor iyo xallaal ah oo waafaqsan hannaanka caalamku aqoonsan yahay ee loo qabto doorashooyinka,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi sharciyaqaanka Andrew Friedman.
 
 
 
Waxa sharciyaqaanku ku sheegay warbixintiisa qaddiyadda Somaliland tahay ka xoog badan xornimo-doonka Scotland, sidaas darteedna dalka Somaliland yahay meelaha sida gaarka ah ula socda natiijada ka soo baxda aftida dadweynaha reer Scotland u dareerayaan Khamiista maanta. Waxa kaloo uu tilmaamay in dadka ku dhaqan jasiirrada Zanzibar oo ku hoos jira dalka Tansaaniya ay sidoo kale isha ku hayaan aftidaas, iyadoo Somaliland iyo Zanzibar yihiin meelaha ku yaal qaaradda Afrika ee isha ku haya ololaha Scotland ku doonayaan inay kaga madaxbannaanadaan dalka Ingiriiska.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa