Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Muranka Diwaan-gelinta Madaniga Ah

Hargeysa (Berbera news) Guddomiyaha XisbIga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan muranka ka taagaan Diwaan-gelinta madaniga ah, waxaanu sheegay in Xisbi ahaan ay diyaar u yihiin sidii xal looga gaadhi-lahaa khilaafka Diwaan-gelinta Madaniaga ah.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Khilaafkan imika jira ee la buunbuuninayo, dadkii oo dhan waxay(Xisbiyada Mucaaradka ah) ku wareeriyeen heshiis baa la galay, Anagu waxaanu ka taaganahay heshiiskii la galay baanu Ogolahay.Anigoo Gudoomiyaha Kulmiye ah iyo Madaxweynaha ayaa saxeexnay.waxaanu nidhi labada diwaangalinood ba ha socdaan oo mid waliba hawsheeda ha qabsato. Dee meel aanu ku nidhi ha la daahiyo Diwaangalintii codbixiyaha iyo meel lagu horjoogsanayo Saxaafad baad tihiine miyaad haysaan? Marka dee wakhtigeedu yimaado hawsheeda waa in la bilaabaa” ayuu yidhi Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay
 
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Xeerkan lagu murmayo ee Golaha yaala, Golihii buu yaalaa, wixii shaki laga qabo ama sixid u baahan ee Umadda waxyeelayana waa inaynu dhamaanteen u guntano oo la saxo, wixii umadda wax u tarayana la ogolaado.
 
 
 
 
Gudoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii wata, waxauu yidhi “Saaxiibaday waxaan leeyahay halkaas ayay inoo maraysay, waxaa ku xigtay waanu qaadacnay, dee horta Gudoomiye Cirro oo gudoomiyihii wakiilada ahi haddii uu leeyahay diwaangalintii waan ka baxay oo Faysal Cali Waraabe leeyahay diwaangalintii qaranka ayaan ka baxay sidee loo wada hadlayaa, waxaanu leenahay ka noqda ka bixida oo isku keen keena.waxa aad tabanaysaan sheegta, dalkana wuxuu ku soconayaa in la isdhegaysto, la isku garaabo si miyir qabtana loo wada hadlo”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa