Maayar Soltelco Oo Sheegay Inaan Hargeysa Laga Dhisan-karin Macaraddo, Xili Ay Caasimaddu Wehel U Noqotay Qashin Iyo Bilic-xumo

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay inaan goobaha faras-magaalaha u ah Magaaladda Hargeysa aan laga dhisi-karin Macarad-yadda Baabuuta lagu iibiyo, isaga oo xusay in Dawladda hoose ahaan ay u samaynayaan dhul ay ku ganacsadaan, hase-yeeshee Maayarku si rasmi ah uma cadayn sababaha ay u mam-nuuceen in la samaysto Macarad-yo.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta laga bilaabo Macaradd Hargeysa guddahee-da laga furi-karaa ma jiro, muddo laba Bilood guddahood ah intay ay kaga guurayaan waxaanu u diyaari-nay Dhulkii Maal-gashiga Marcaradd-yada ay Dawladda hoose ka kirayso” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelco.
 
 
 
Geesta kale Wadooyinka faras-magaalaha u ah Caasimadda Hargeysa ayaa ah kuwo wehel u noqaday Qashin iyo bilic-xumo, qashinkaasi oo buuxiyay Goobaha Biyo-mareedda ah ee ay Biyaha Roobku maraan, marka laga reebo Shaqaale ay Dawladda hoose u dirtay inay Nadiifiyaan qashihinkan oo Ciid badan oo tuulan dibada u soo-saaray, Ciidaas oo weli tuulan Goobahaasi oo aan laga qaaadin, taas oo ay Bulshaddu ka qaateen dareen xambaarsan Saluug.
 
 
 
Qashinkan ayaa meelo gaar ah oo ka mid ah Waddooyinka Caasimadda Hargeysa ay Dawladda hoose ka gurtaa, balse Wadooyin kale oo halbawle u ah Magaaladda Hargeysa ayaa la arkayaa iyadda oo qashinkaasi uu yaalo.
 
 
 
Golaha deegaanka Hargeysa ayaa xilkan haya muddo siman laba Sanaddood, iyadda oo xiligii lagu jiray Ololihii Doorashaddii Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay bishii November ee Sanadkii 2012-kii ay balan-qaadeen inay wax ka qaban-doonaan Bilicdda Caasimadda Hargeysa, iyadda Bulshaddu ku dhaqan Hargeysa ay saluug-san yihiin qaabka ay u wadaan xilkii ay u igmadeen.
 
 
 
 
Halkan ka daawo Digniinta uu Macarad-yadda u Diray Duqa Hargeysa.
 
 
 

 
 
 
 
 
Halkan kale-na ka Daawo Shacabka ku dhaqan Hargeysa  oo Cabasho ka Muujinaya Qashinka iyo Bilic-xumadda.
 

 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa