Rayal-wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Ka Hadlay Sababtii Xilka Looga Qaaday Taliyaha Nabadsugidda

Hargeysa (Berbera news)  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababibii uu xilka uga qaaday agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdilaahi Maxamed Cali (Sanbabloolshe), isagoo xusay in xil ka qaadistaas ay keentay kaddib markii ay u dulqaadan waayeen xarig loo geystay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.
 
 
 
Cabdiweli Sheekh oo wareysi siinayay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in sidoo kale ay ka mid tahay sababta xil ka qaadistan keentay in agaasimuhu uu hadallo kulul ku weeraray madaxda dowladda iyo ku takri-fal awoodeed.
 
 
“Mar walba is-bedel awoodeed waa uu dhacayaa, sababaha keenay in xilka laga qaado agaasimaha nabadsugiddana waxay ahaayeen qaabka uu howsha u wado oo aan u aragnay inaysan caawinayn siyaasadda dowladda oo ah in la helo adeeg xagga nabadgelyada ah oo oo degen,” ayuu yidhi Cabdiweli Sheekh.
 
 
 
Hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii bishan aynu ku jirno ay golaha wasiirradu isku raaceen in xilkii laga qaaday taliyaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
 
 
Berbera news/Hargeysa