Scotland Oo Afti U Qaadaysa Inay Ka Go’aan UK Iyo Raysal-wasaare Cameron Oo Fariin Han-jabaad Ah U Diray

Hargeysa (Berbera news) Raysal-wasaaraha Ingriiska David Cameron oo maalmihii ugu danbeeyay, ku mashquulsanaa, ololaha uu dadka reer Scotland kaga dhaadhicinayo in aanay u codayn, Madax banaani ay ka qaataan Great Britain ayaa saacad ka hor wakhtigii la soo gaba gabaynayay ololaha aftida Madax banaanida Scotland jeediyay khudbad aad looga yaabay ilaa heerka ay dareenkiisa qadiyadani taabatay.
 
 
 
Cameron oo inta badan deganaan lagu yaqaanay ayaa sheegay in haddii dadka Reer Scotland Haa ku codeeyaan, oo ay ka baxaan Ingiriiska uu is dili doono, dibna aan loo arki doonin, waxaanu intaa ku daray in talaabadaa uu qaadi doono oo ay ka tahay kama danbays dhaarna uu ku marayo.
 
 
 
 
Waxa aan doonayaa Scotland haddii aad naga tagtaan, qudha Ayaan iska jarayaa, nafta Ayaan iska qaadi doona ama waan is dili doonaa, inaan sidaa samaynayo Ayaan ku dhaaranayaa.” Ayuu yidhi David Cameron taas oo af Ingiriisi ahna waxa uu u yidhi sidan: “Scotland, the second you leave I will kill myself—I swear I’ll do it,” said.
 
 
 
David Cameron oo u hadlayay si qiiro leh, mararka qaarkoodna ilmo ka daadanayso indhihiisa waxa uu intaa ku daray, in noloshu aanay u haboonayn haddii Scotland ka baxdo Britain, waxaanu yidhi “Sideen u nolaan karayaa, haddii aad naga tagtaan, waxaan balan qaadayaa inaan dib indho la iiga qaadi doonin.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa