Nin 4 gabdhood oo reer Selel ah u laayey faal u qabtay isna dil lagu xukumay

“Ninkani wuxu dilay Afar Hablood oo Ugub ah oo Soomaali ah markii Faal u qabtay oo isku qabiil ah” Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal ee dalka Somaliland, ayaa sheegay inay xukunkiisa dib u dhigeen nin dilay afar Hablood oo Ugub ah (Gashaantimo) Soomaali ah markii Faal u qabtay sida uu Guddoomiyuhu sheegay, Afartaas Hablood.
Guddoomiyaha Maxkamadda Awdal, ayaa sheegay inay fuliyeen baadhista kiisas kale oo la xidhiidha kufsi iyo dil, isla markaana dadka kiisaskaas u xidhnaa qaarkood wax dembi ah lagu waayey oo la sii-daayey, halka hal qof ay xukun dil ah ku rideen, sidoo kalena ay kiisaska qaar dhaar ku soo gebo-gabeeyeen.
Waxa uu sidaa ku sheegay Maxkamadda gobolka Awdal Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Sabtidii, ka dib markii uu ka soo laabtay Safar Kiisaskaas la xidhiidha ay u tegeen magaalada Saylac iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Selel.