Saraakiisha Ciidamadda Qarranka Oo Ka Gadoodsan Falkii Lagu Dilay Laba Sarkaal Oo Ka Tirsana Iyo Qaarkood Oo Ku Henjabaya Inay Xukuumadda Siilaanyo Meesha Ka Saari Doonaan

Saraakiisha Ciidamadda qarranka oo hor taagan Taliska guud ee ciidanka qarranka ee caasimadda Hargeysa

Saraakiisha Ciidamadda qarranka oo hor taagan Taliska guud ee ciidanka qarranka ee caasimadda Hargeysa

Axad 21 September 2014 Hargeysa (Berbera News)– Saraakiil ka tirsan ciidanka qarranka Somaliland ayaa muujiyey gadood iyo cadho ay ka qaadeen dilka loo gaystay laba sarkaal oo ciidanka ka tirsana magaalada Qorilugad ee gobolka Togdheer, warar ay Berbera NEWS hellayso ayaa tibaaxaya in guriga looga taliyo taliska ciidanka qarranka ay saraakiisha ugu saraysay ciidamadda qarranku habeen hore iskugu yimaadeen kulan deg deg ah, iyagoo ugu yeedhay kulankaasi Taliska guud ee ciidanka qarranka.

Kulankani ayaa saraakiishu waxay u diideen gebi ahaanba inuu ka soo qayb gallo wasiirka difaaca Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaana ay ku soo gudbiyeen cadho iyo cabasho rasmi ah oo ay u gudbiyeen taliyaha ciidanka qarranka Sareeye guuto Shaqalle, oo ay ku tilmaameen in xukuumadda Siilaanyo ay qaab aad u fool xun ula dhaqmaysay ciidamadda qarranka Somaliland tan iyo intii ay xilka qabatay, isla markaana aanay taliska guud ee ciidanka qarranku u dul qaadan doonin falalkani isla markaana ay tallaabo ka qaadi dooni doonaan, haddii aan si dhakhso ah dawladda Rayidka ah ee madaxtooyada looga taliya aanay taliska ciidanka gacanta usoo gelin askariga dilka gaystay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka qarranka oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasiiro iyo xubno ka tirsan xukuumadda Siilaanyo ay gacanta kula jireen ciidamadda qarranka Somaliland iyagoo tusaale usoo qaatay Saldhigyada ciidamadda qarranku ku leeyahay aaga u dhaw madaarka Hargeysa oo ay uga taag laayahiin wasiirka duulista.

Taliyaha ciidamadda qarranka Somaliland ayaa isago kulankaasi wuxuu ka codsaday saraakiisha ciidamadda qarranku inay is dejiyaan isla markaana uu cabashadooda u gudbin doono madaxweyne Siilaanyo.

Xarumaha ciidamadda qarranku ku leeyahay galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa ayaa ilaa habeen hore laga dareemaayey cadho iyo gadood ay qaar ka mid ah ciidamadda qarranku samaynayeen, iyagoo qaarkood ka cadhaysan tallaabada ay xukuumaddu u weerartay dad rayid ah oo banaanbax salmi ah ka samaynaayey magaalada Gabiley, iyagoo qaarkood ku henjabay in haddii ciidamadda RRU-du ay mar kale isku dayaan inay shacabka xabbad kala hor tagaan ay ciidamadda RRU-da dagaal kala hor iman doonaan, isla markaana ay tirtiri doonaan.

Ciidamadda qarranka Somaliland oo 21 kii sannadood ee ay Somaliland jirtay ka madax bannaana siyaasadda Hargeysa, ayaa hadda u muuqda in maamul xumadda iyo kala qoqobitaanka qarranka ee xukuumadda Siilaanyo ay saamaysay, gadoodkani ayaa hormood u noqon kara tallaabo militery oo ay ciidanku ka qaadaan maamulka Rayidka ah ee Siilaanyo madaxweynaha u yahay.

Berberanews, Hargeysa