Booliska oo wiil dhallinyaro ah ku toogtay Gabilay

Gabiley(Berberanews):- Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Gabiley, ayaa toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah gelinkii hore ee maanta, ka dib markii Wiilkaas oo Maxkamadda Degmada Gabiley xukun xadhig ah ku ridday ay Ciidammadu qaadeen, isla markaana uu ka booday Gaadhi Xaajiyad ah oo la sheegay inay Maxkamadda ka qaadday una wadday dhinaca Xabsiga dhexe ee magaaladaas oo lagu xidhi lahaa, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ila-wareedyo xog-ogaal ahi.

bth_Breaking-News

Allaah ha u naxariistee Wiilkaas, ayaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday, isla markaana ay xiisad xooggan oo kacsanaan ahi ka taagan tahay dilkiisa. Waxaanu warkan Aftahannews ka heshay ila-wareedyada ku sugan Gabiley intaas ku daray in laga cabsi qabo Muddaharaadyo kale oo ay Shacabku halkaas ka bilaabaan ka dib markii Jimcihii Muddaharaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo xooggani gilgilay magaaladaas.

Wiilkan ayaa dad goob-joogayaal ahi Aftahannews u sheegeen in Walaalkii oo ka weyni Maxkamadda geeyey saaka, isagoo doonayay in Maxkamaddu ku xukunto dhawr bilood oo xadhig ah oo dhaqan-celis ahaan ah, dalabkaas oo la sheegay inay Maxkamaddu aqbashay maaddaama oo Wiilku sida wararku sheegayaan Walaalkiis ku soo eedeeyey Waalid-caasinnimo.

Hase-yeeshee, sida ay wararka Aftahannews ka helayso magaalada Gabiley sheegayaan waxa dhacay waxaan lagu talo-gelin, ka dib markii Wiilkaasi Gaadhiga Booliska ka booday, isla markaana ka cararay, ka dibna ay Askarta ilaalinaysay ee Xabsiga ku sii waday Rasaas ay ku fureen sababtay inuu dhinto Wiilkaasi.