“Madaxweynaha kama muuqato inuu olole doorasho gelayo,”Wasiirkii hore ee maaliyadda

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
Hargeysa (Berberanews)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), xukuumadda iyo garsoorka ku eedeeyey in ay isku qadhaabtaan, kana fikiraan danahooda gaarka ah, balse aan waxba loo qaban shacabka iyo waddankaba.
Eng. Xaashi oo ka hadlay shir-jaraa’id oo masuuliyiinta Madasha Wada-tashigu ku qabteen magaalada Hargeysa maanta, waxa uu ku eedeeyey xukuumadda in ay diyaarsanayso dariiq ay muddo-korodhin ku samaysanayso lahayn, Guurtida iyo Wakiilladuna raali kaga yihiin.
“Muddo-kordhintii waxay noqotay wax ay heshiis ku yihiin saddexdii dhadhaar ee dawladdu ee dherigu saarnaa ee garsoorka lahaa, ceer-dejinta iyo tii xukuumaddu waxay isku noqdeen isku dano, dabadeedna muddo-kordhin baa u dhib yaraatay, iyadoo aan xeerkii iyo dastuurku wuxuu ku sababeeyey la gaadhin muddo-kordhintu. Dhibaato dalka ka dhacday oo kolaba doorasho loo qaban waayo inama soo marin.
Isu-soo dhawaanshahaas waxa ka mid ah beri dhawayd waxa la sameeyey xeer maamuus oo madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka loo sameeyey, xeerkaasna laguma sheegin waxa qofku ku mutaysanayo maamuuska, waxaanay arrintu ku dhammaanaysaa madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen buu noqday, muxuu qabtay iyo muxuu baabiiyey xisaabtaasi way ka baxday meesha. Waxa yimmi xeerka maamuus, waxaanay shuruud ka dhigeen qolada baarlamaanku. Haddii la doonayo in xeerkaas la ansixiyo waa in qofkii baarlamaan ah ee doorashada dhaca sannad mushaharkii la siiyo. Waa dariiqo aad u khaldan oo dawladnimada iyo dadnimada ka fog,” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu tilmaamay in golayaasha sharci-dejinta sharci-darro ku joogaan, xukuumadduna diyaarinayso sidii ay darriiqaas u mari lahayd, waxaannu yidhi; “Dawladeennii waxay sii maraysaa meel aad xun oo liidata oo burbur baynnu qarka u saaranahay. Uma malaynayo inay doorasho u jeedaan ee sidii ay u carqaladayn lahaayeen ayey wadaan. Markaa Golaha Wakiillada waqtigii wuu ka dhammaaday oo sharci darray ku joogaan, Guurtida wuu ka dhammaaday oo sharci-darro ayey ku joogaan. Inta yar ee hadhay waa xukuumadda oo sharcigeedii ku jirta. Tiina siday uga bixi lahayd bay wadaan oo kolley kordhin bay wadaan oo sharcigii lagu heshiiyey ururrada rayidka ah, barmaaka, xisbiyada iyo xukuumadda heshiiska ay saxeexdeen bay diidan yihiin in lagu dhaqmo. “
“Madaxweynaha kama muuqato inuu olole doorasho gelayo, markaa kordhis uun baa loo marmarsoonaya, laakiin ninkii loo diidayey markuu soo degay inuu su’aalo ka jawaabo ee afarta eray uun sidaa u eegaaya, olole ma geli karo. Markaa waxa la inoo sababaya oo kolba la salaaxaya waa kordhis uun.
Waxa sida xun loo isticmaalayaa waa lacag fara badan. Shaqo yari baa dalkii ka dhacday, tahriibkii baa jira. Meel xun bay arrintu maraysaa oo xaafadaha qaar habeenkii mari kari maysid, wixiii dhallinyarada lagu shaqaalayn lahaana waa waxan la baabi’isanayo. Dawladdan waxay waddo Ilaahay ha inoo sahlo, si lagu jiri karana maaha,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.