Akadamiyadda Nabadda Somaliland oo soo bandhigtay Ra’yi Ururin ku saabsan Diiwaangelinta

Hargeysa(bERBERABEWS):- Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaasoo bandhigay magaalada Hargeysa Ra’yi-ururin ku saabsan sida ay dadweynaha reer Somaliland u kala fahansan yihiin diiwaangelinta Madaniga ah ee Muwaaddiniinta iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka dalka.
Rayi-ururintaas oo ay Akaademiga Nabadda iyo Horumarintu ku soo-bandhigeen maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta ka kala socda Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka, Guddiga doorashooyinka Qaranka, Aqoonyahan, Saraakiil ka socday Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan, Ururrada Waddaniga ah ee Bulshada, Dhalinyaro iyo Marti-sharaf kale oo lagu soo casuumay kulankaas.
Guddoomiyaha Maxkamadda Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, ayaa faahfaahin ka bixiyey Ra’yi-ururintaas oo uu sheegay inay ka soo ururiyeen guud ahaan gobollada Somaliland, waxaanu sheegay in Ra’yi-ururintan ay soo bandhigeen tahay mid muhiim ah oo wax badan lagaga ogaan karo heerarka fikir ahaan dadweynaha reer Somaliland kala taagan yihiin marka laga hadlayo arrimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo labada diiwaangelinood ee Cod-bixiyeyaasha iyo ta Madaniga ah.
“Akaademiga Nabadda iyo Horumarintu waxay maanta halkan ku soo bandhigtay Ra’yi-ururin aannu ka samaynay lixda gobol ee dalka oo dhan, nuxurkeeduna wuxu ahaa bal in la ogaado afkaarta dadku waxay qabaan, ka dibna la wadaagno dadku waxay aamminsan yihiin ama ka fikirayaan Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiyada, dawladda, Guddiga doorashada iyo cidda taladu khusayso.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somalialnd Maxamed Faarax Xirsi.