Badhtil-maameedka Maraykanku ku duqeynayo Daacish oo gaadhay Syria

Suuriya(Berberanews):– Dawladda Maraykanka iyo Xulufadadeeda isu bahaystay la-dagaallanka Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish, ayaa markii ugu horraysay bilaabay in ay Cirka ka duqeeyaan dagaalyahannada Dawladda Islaamiga ee ka hawlgala gudaha Waddanka Suuriya.
DUQAYNTA MARAYKANKA EE KOOXDA DAACISH
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo la yidhaahdo Adm John Kirby, ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, kuwa wax duqeeya iyo madaafiicda loo yaqaano Tomahawk.
daacish
Duqeynta waxa ay ahayd mid la filayey kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, uu laba todobaad ka hor ballanqaaday in uu burburin doono, hoosna u dhigi doono khatarta kooxdan oo dhul ballaaran kala wareegtay Suuriya iyo Ciraaq.
BBC-da ayaa waxa ay ogaatay in dowladaha Carabta ay ka mid yihiin wadammada ka qeyb qaadanaya duqeyntan laga geysanayo Suuriya, balse weli ma kala cada wadammada ay yihiin iyo doorkooda waxa uu yahay.
Mareykanka ayaa Ciraaq gudaheeda waxa uu koo
xdan u geystay ilaa 190 duqeyn tan iyo bishii Agoosto.
Xigasho BBCSomali.com.