Madaaradda Somaliland oo laga mamnuucay Maandooriyaha Jaadka

Hargeysa-(Berberanews)-Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Saddaam Maxamed Axmed, ayaa War-Saxaafadeed uu Salaasada Maanta soo saaray ku sheegay inay gacanta ku dhigeen Jaad laga dhoofinayay Garoonka Diyaaradaha Cigaal International, Saraakiisha Ammaanku maalmihii la soo dhaafay, kaasoo loo waday dalalka dibedda ee Jaadka laga madnuucay.
War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan: “Hawl-wadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyey qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharcidarro ah la isku dayayey in dalka lagaga dhoofiyo loona waday qaar ka mida waddammada Yurub sida Ingiriiska, Iswiidhan, Noorway, iyo Dhenmaarik. Iyada oo qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayey ay siteen, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas.
Shaqaalaha ammaanka ee madaarka Cigaal oo adeegsanaya qalab casri ah iyo xirfaddooda baadhitaan ee sarraysa, ayaa ku guulaystay inay qabtaan oo fashiliyaan qorshaha Qaadkan oo dad badani sideen, si loogu gudbiyo waddama ay ka soo xagaa baxeen, oo salka ku haysay ujeeddo ganacsi.
Dhanmmaan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ku war galinaysaa dhammaan dadka rakaabka ah ee ka dhex goosha madaarrada dalka inay mamnuuc tahay in Qaad loo dhoofiyo waddammada Yurub iyo Carabta iyo guud ahaan wax kasta oo aan soo marin dariiqa sharciga ah ee waaxyaha madaarrada.
Waxaanu ugu digaynaa dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal liddi ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo midka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda, dhinaca kalena sumcad xumo ku keeni karta Madaarrada dalkeena.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland.
Tan iyo intii ay dalka Reer Yurub qaarkood madnuuceen in sifo ganacsi loo soo geliyo jaadka, waxa isa soo taraya xeelado ay dadka soomaalida ah ee dalalkaasi ku helaan jaad, iyagoo isticmaalaya saaxiibayaashooda dalka ka soo dhoofaya.
Dawladda Britian oo ah dalkii ugu dambeeyay waddamada Yurub ee laga joojiyay cunista iyo waliba ka ganacsiga jaadka ayaa soomaalida joogtaa waxay waajaheen inay iska daayaan cunistiisa iyo inay marba qofka dalkii ka soo dhoofaya ay u soo dirsadaan inuu Shandada ugu soo qaado.
Iyadoo ay markii horeba iska caadi ahayd, in qofku markuu dibada ku laabanayo uu sii qaado xidhmo yar oo jaad ah oo uu mararka qaar diyaarada dusheeda ku sii dhafaro, hadana waxa arrintaasi sii kordhisay baahida kale ee asxaabtiisa oo ku khasabtay inuu waxyar gacanta ugu sii qaado iyagana.
Go’aanka ay Xukuumadda Somaliland hadda ku joojisay la-dhoofista Jaadka ama Qaadka ee dadka Madaarradeeda ka baxayaa Cunis ahaan ugu sii qaadan jireen dalalka dibedda, gaar ahaan Ingiriiska loo qaato, ayaa saameyn ku yeelanaya Akhtiyaarka aasaasiga ah ee dadka dhoofayaasha ah, wuxuuse maslaxad weyn u yahay dalalka karahsada in jaadka lala soo galo, sida Ingiriiska, Maraykanka iyo Sucuudiga oo ka mida waddamada loogu necebyahay Caleenta dadku cuno.