Xogo muhiim ah oo ku saabsan shirka maalgashiga iyo Ganacsiga Somaliland ee London

Hargeysa (Jam)- Shir lagu falanqayn doono ganacsiga iyo maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa loo muddeeyey
Hargeysa (Berberanews)- Shir lagu falanqayn doono ganacsiga iyo maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa loo muddeeyey inuu magaalada London ee dalka Ingiriiska ka qabsoomo 14 October 2014, kaasoo ay iska kaashanayaan dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay, ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ay hormood ka tahay shirka lagaga hadlayo maalgashiga iyo ganacsiga dalka, isla markaana lagu soo bandhigi doono fursadaha maalgashi iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland hodanka ku tahay.
biixi
“Waxaan halkan isugu kiin yeedhay inaan idinku wargeliyo shirka weyn ee ganacsiga ah ee dawladaha Somaliland iyo Ingiriisku qabanayaan bisha October 14. Shirkaas oo ah shirkii ugu weynaa ee dawladda Ingiriisku ku qabato London. Waxa shirar hore ay ka qabteen dalal hore oo ilaa dhawr iyo soddon waddan ah oo Malaawi, Gaboon, Kamaroon, Jabuuti iyo Soomaaliya, imminkana waxay noqotay doorkeennii, markaa waxaannu idiinku yeedhnay sidii aad noogala shaqayn lahaydeen wacyigelinta arrinkaas weyn ee maanta khuseeya ganacsatada reer Somaliland iyo ganacsatada caalamka ee aad iyo aad u xiisaynaysa inay ka qaybgalaan shirkaas,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka oo ka hadlayey wufuudda ka qaybgalaya shirkaas waxa uu yidhi; “Shirkaas waxaannu filaynaa in dad fara badan oo aad iyo aad ahmiyadda u saaraya khayraadka dalkan leeyahay in ay ka soo qaybgalaan. Waxa aannu filaynaa in ganacsato fara badan oo reer Somaliland ay ka qaybgalaan. Shir baannu halkan [Hargeysa] ugu qabannay ganacsatadeenna, guddida ganacsiga iyo wasiirkeenna ganacsiga Md. Muuse Qaasim oo imminka naga maqan. Arrinkani waa arrin aad iyo aad u weyn, waxana muuqata in Somaliland gaadhay heer caalamkii tixgelinayo in khayraadkeeda caalamka loo sheego.”
Sidoo kale, Wasiir Biixi waxa uu sheegay inuu shirkaas maamuli doono Wasiirka Afrika u qaabilsan dawladdda Ingiriiska, waxaannu yidhi; “Shirkan waxa maamulaya Wasiirka Afrika ee dalka UK, waxana ka qaybalaya Wasaaradda Khaarajiga Ingiriiska, shirkado fara badan oo caalami ah, bangiyo iyo dad maalqabeenno ah, mana aha arrin labada dawladood ah ee waa arrin baayac-mushtari oo maalgashi ah, waana arrin ganacsi, waana arrin aannu doonaynno in maalqabeennada ganacsatada ah dalkan yimaaddaan.”
shirka maalgashiga Somaliland-UK
Hase ahaatee, Md. Maxamed Biixi Yoonis ma uu caddayn cidda qabanqaabinaysa shirka lagaga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland, balse xogo Jamhuuriya helay ayaa xaqiijiyey in shirkad la yidhaa DMA (Developing markets associates) ay gacanta ku hayso martigelinta iyo qabanqaabada shirkaas, kaasoo ay hawshiisa kala shaqaynayaan dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska.
Sida shirkaddu faafisay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti isugu jira wasiirro iyo ganacsato, ayaa ka qaybgeli doona shirkaas oo magaalada London lagu qabanayo 14 October 2014.
Haseyeeshee, xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah uma shaacin in Madaxweyne Siilaanyo ka qaybglayo shirkaas, iyadoo sida shirkadda DMA sheegtay in shirkaasi yahay kii u horreeyey noociisa ee Ingiriiska iyo Somaliland isugu yimaaddaan, lagagana hadlo maalgashiga iyo ganacsiga.
Shirkadda DMA (Developing Markets Associates) waa mid caan, magac weynna ku leh dunida, horena u qabanqaabisay shirar iyo kulamo caalami ah oo ku saabsan arrimaha maalgashiga, khudbado kala duwanna ka jeediyeen in ka badan laba boqol (200) oo madax ka ah dawladaha caalamka iyo wasiirro xilal muhiim ah ka haya dalalka adduunka.
Sida ku qoran jawdalka shirkadda DMA soo bandhigtay ee shirkaas, waxa ay 10 October 2014 ku qaban doonaan magaalada London shirweyne lagaga hadli doono maalgashiga dalalka bariga Afrika, iyadoo sidoo kalena isla 23 October qaban doonta shir maalgashiga iyo ganacsiga ah oo Ingiriiska iyo dalka Ghanna ee galbeedka Afrika ah, kaasoo la mid ah midka Somaliland loo qabanayo.
Shirkadda DMA ee gacanta ku haysa qabsoomidda shirka maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland ee ka dhacaya London, waxa maamulkeeda xubno ka ah siyaasiyiin, dhaqaaleyahanno, diblomaasiyiin iyo khubaro kala duwan oo xilal sare ka soo qabtay dawladda Ingiriiska, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Mr. Henry Bellingham oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Afrika ee UK ilaa bishii September 2012. Waxa kaloo ku jira siyaasi la yidhaa Roger Martin oo ahaa xoghayaha arrimaha siyaasadda u qaabilsanaa laba ra’iisal-wasaare oo soo maray Britain iyo xubno diblomaasiyiin ah oo xilal safiirnimo ka qabtay waddamo adduunka ah.
COMMEN