Maamulka Gobolka Salal oo ka dayriyay Xaaladda adeegyada bulshada oo liidata

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Salal Md. Cabdirsaaq Waaberi Rooble, ayaa daboolka ka qaaday in gobolkiisu ka aradan yahay baahiyaadka aasaasiga ah, gaar ahaan adeegyada caafimaadka iyo caddaaladda, xukuumadduna aanay ilaa hadda waxba ka qaban.
Md. Rooble oo waraysi khaas ah siiyey Jamhuuriya shalay, waxa uu sheegay in degaankiisa aanay ka jirin xarumo garsoor iyo saldhigyo lagu xidho dadka.
“Saylac degmo ayey xisaabsan tahay, waxaanay lahayd maxkamad degmo oo aan dhismo hagaagsan lahayn. Inta ay gobolka noqotay waxaad mooddaa in aan la isku taxaluujin oo Wasaaradda Caddaaladdu aanay warba ka hayn, waxana dhawaan tagay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, si wanaagsan ayaannu uga hadlay. Waxaannu sugaynaa Wasaaradda Caddaaladdu in ay kormeer ku timaad, waanuna ka codsanaynaa waliba oo waa gobol aad u ballaadhan oo meelaha qaarkood ilaa 250km ayey Saylac u jiraan. Baaxadda intaas le’eg waxay u baahan yihiin caddaalad, in ay helaan maxkamadihii ilaa heer gobol, inay helaan jeelkii, waana loo baahan yahay in jeelka la dhiso, in la hagaajiyo saldhigyada booliska oo taasna Wasaaradda Daakhiliga aannu ka codsanayno inay xil weyn iska saarto, waanuna ku dedaalaynaa siddi dib saldhigyada booliska loogu hagaajin lahaa, muhiimadduna waa in jeelasha iyo maxkamadihii garsoorka la sameeyo. Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Awdal waan ku hambalyeynayaa, wuxuu soo arkay buu sheegay, waana wax jira oo aan u markhaati furayo, loona baahan yahay in xukuumad ahaan wax laga beddelo,” ayuu yidhi Md. Waaberi.Waaberi
Sidoo kale, waxa uu caddeeyey in adeegyada caafimaadka ee Gobolka Salal aad u liitaan, Wasiirka Caafimaadkuna aannu fulin ballanqaadyo uu Madaxweynaha ka horsheegay safarkii uu degaannada xeebta ku maray bishii March ee sannadkan 2014, “Waxbarashada aad bay u fiican tahay, wallow aanay dhammaystirnayn oo u baahan tahay in halka ay joogto hore looga sii wado. Wasaaradda Waxbarashada waan ku hambalyeynayaa kaalinta ay ugu jirto, dugsiyo kale ayey ku daraysaa meelihii hore u dhisnaa, macallimiintana in la siyaadiyo ayaan u baahannahay.
Caafimaadku wuu ragaadsan yahay, waannu jilicsan yahay, ma jiraan odhan karaa caafimaadku, kama shaqeeyo gobolkaas. Wasiirka Caafimaadka codsi gaar ah ayaan gaadhsiinayaa, waxaanan ka rajaynayaa in markii ay socdaalka ku yimaaddeen Saylac uu Wasiirku ballanqaadyo ka sameeyey Madaxweynaha hortiisa, waxaannu ballanqaaday in bisha (March 2014) bisheeda in Wasiirka Tacliinta inta la ammaanay mid le’eg la ammaani doono. Wasiirka waxaan leeyahay waa la sugayaa oo weli dadkii way ku sugayaan. Cusbitaalladii sidii ayey u xidhan yihiin. Ma shaqeeyo caafimaadku, hawshaasi waa hawl inoo wada taal, runtiina dadweynaha aannu jawaab ka siin kari la’ nahay. Waxaan ka codsanayaa Wasaaradda Caafimaadka inay tallaabo hor leh qaado oo dhinaca waxqabadka ah, waanan ku rajo weynahay in dhaqso wax loo arko qaban doonaan.”
Mar la su’aalay bal sida wasaaraduhu uga shaqeeyaan gobolka uu madaxda u yahay ee Salal, waxa uu xusay in ay jiraan wasaarado aan isuduwayaal ku lahayn gobolka uu u taliyo iyo qaar Isu-duwayaal keliya u dirsaday oo aan waxba qaban. “Wasaarado badan oo Isu-duwayaal ku leh oo shaqeeya ayaa jira, qaar fadhiid ahna way jiraan. Kuwa shaqeeya waan ku hambalyeynayaa, kuwa ku talo jira inay xafiisyadoodii dhistaan waan ku hambalyeynayaa sida Wasaaradda Degaanka oo baahi weyn degaanku u qabo, dhawaanna qiimayn bay ku sameeyeen inay xafiis weyn ka furtaan. Wasaaradaha Isuduwaha keliya soo dirtay waxaan leeyahay haddaan shaqo kuu oolin looma baahna Isuduwaha inaad soo dirato, haddii shaqo kuu taal u soo dhammaystira dhaqaalihii iyo shaqaalihii looga baahnaa, hawsha qaranku idiin igmadayna si Lillaahi ah u guta ayaan leeyahay.”
Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyey qaylo-dhaan laga bixiyey laba ceel oo dadka degaanka gobolkiisu ka cabbi jireen, ayaa xaqiijiyey in dawladda Jabuuti ka jawaabtay codsi ay u direen, balse xukuumadda Somaliland iyo shirkadaha isgaadhsiinta oo ay qaylo-dhaantaas gaadhsiiyeen aanay weli waxba ka qaban, “Baahidaasi way jirtaa, waana baahi aad u badan, nagana awood badan. Intii la dedaali karo waa la dedaalaa, weliba waxa si weyn nooga caawisa dawladda aan jaarka nahay ee Jabuuti oo markasta oo ceel-biyood naga xumaado amma mishiin naga xumaado noo soo gurmata.
Degaanka Ceel-gaal waxa ku yaal laba ceel, labadiina mar ayey wada xumaadeen, qaylo-dhaan ayaannu u soo dirnay Wasaaradda Biyaha ee Somaliland, waanuna sugaynaa, Jabuutina qaylo dhaan baannu u diranay, waanay ka soo jawaabeen qoladii Jabuuti, waanay yimaaddeen. Bambkii xumaaday way noo hagaajiyeen, wiish biraha ceelka ka soo gurana way noo soo direen, ceelkiina waa la dhaqaajiyey. Kii labaad baa xun oo bambkii guban yahay, wasaaraddana waannu la soo hadalnay, shirkadaha isgaadhsiintana qoraal ayannu u soo qornay oo aannu nidhi bamkaas naga soo caawiya, weli jawaabtiina waannu ka sugaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Salal.
Ugu dambayn, Badhasaabku waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay qataan kaadhka dhalashada oo qarannimada iyo ammaanka wax badan ka tari doona, isla markaana kala sooci doona muwaaddinka iyo ajnebiga.