Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Silaanyo iyo Ambassador Geert Aagaard Andersen

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Denmark u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ambassador Geert Aagaard Andersen oo booqasho ku yimi Somaliland maanta.
Madaxweynaha iyo safiirka Denmark ayaa kulankooda kaga wadahadlay arrimo ku saabsan xidhiidhka labada waddan iyo taageerada dawladdiisu siiso Somaliland iyo qodobo kale oo ay ku jiraan ammaanka, wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo qabsoomida doorashooyinka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa masuuliyiin Madaxweyne Siilaanyo kulanka ku wehelinayey iyo weliba Safiirka Denmark ayaa labadooduba ka xog-warramay waxyaabaha labada dhinac ka wadahadleen.
“Waxa halkan noogu yimmi safiirkii Denmark oo u yimi inuu la kulmo madaxweynaha. Denmark iyo Somaliland waxa ka dhexeeya cilaaqaad ballaadhan, waxayna Denmark ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee wax inna tara, xafiis ayeyna ku leeyihiin Hargeysa, waxaannu noogu yimmi in aannu ka wadahadalno arrimo labada waddan khuseeya, xagga horumarka, in aannu warbixin ka siino xaga doorashooyinka, xagga nabadgelyada, wadahadallada. Markaa waxaannu ku faraxsanahay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.