Wefti ka socda Norway oo kulan la yeeshay madaxda Somaliland + waxyaabaha labada dhinac ka wadahadleen

Hargeysa(Berberanews)- Dawladda Norway oo ka mid ah dalalka woqooyiga qaaradda Yurub ee la isku yidhaa Iskandaneefiyaanka (Scandinavian), ayaa caddaysay mawqifkeeda ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ergayga gaarka ah ee dalka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya) iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku yimi Hargeysa, ayaa ka dhawaajiyey in aanay dawladdiisu u aqoonsanayn Somaliland dal madaxbannaan, laakiin ay aqoonsan tahay dal keliya oo la yidhaa Soomaaliya, isagoo tibaaxay in mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya ku jiro gacmaha dadka Soomaalida.
Kulanka-MAdaxweynaha-iyo-ergayga-Norway
“Waxaannu eegaynaa sida ugu fiican ee aannu idiinka caawin karno xagga farsamada wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya. Haddii aan anigu ergay ahaan iska hadlo dawladda Norway waxay aaminsan tahay inay jirto Soomaaliya qudha, balse mustaqbalka waxay noqonayso idinka ayey idinku xidhan tahay, waxana loo baahan yahay in arrimahan si waaqici ah loo eego, laguna saleeyey mabaadii’da siyaasadeed. Waxa dawladda Norway idinka caawin doontaa, door muhiim ahna ka qaadan kartaa inay idinka caawinayaan in la horumariyo deganaanshaha siyaasadda iyo in wadahadalladaas hore u socdaan. Waxa kaloo aannu Somaliland idinka caawin karnaa dhisida xagga awoodda khayraadka dabiiciga ah iyo maaraynta khayraadkaas.
Wadahadalkaasna waannu sii wadi doonaa, waxa aannu sidoo kale xidhiidh fiican la leenahay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanna jira arrimo badan oo muhiim ah oo aannu kala hadli doono oo aan shir saxaafadeed lagu sheegayn, balse lagaga hadli doono xasiloonida mandaqada iyo Afrika,” ayuu yidhi Ergayga ka socday dalka Norway.
Wakiilka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku sii daray, “Waa inaan ka taxadirnaa waxaan odhanayo, sababtoo ah waxa jira dad badan oo Somaliland ah oo ku dhaqan Norway, waana in aan ogaado in aan halkaa ku waayayo qoysas, kuwaasoo markaan noqdo i weydiinaya su’aalo badan.
Madaxweyne Silaanyo iyo Ergayga Norway
Waxa aannu halkan u nimi in aannu Somaliland la falanqayno sidii aannu uga caawin lahayn horumarka, una noqon lahayd Somaliland waddamada ugu barwaaqaysan Afrika. Maantana dhammaan Soomaaliya waa dal aad u faqiir ah, balse waxaad ku fadhidaan khayraad aad u badan sida badda oo kale, waxaanad haysataan fursado aad u badan oo xagga jiilasha mustaqbalka ah, haddii aydaan helin qaddiyadda siyaasadeed si aad arrimahan uga faa’iidaysaan, sidoo kalena mustaqbalkana faqiirnimadaad ku sii negaadaysaan, waana arrimo aad u halis ah.”
Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa daaha ka qaaday in dawladda Norway ka caawin doonto wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, khayraadka dabiiciga ah sida kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka.
“Waxa farxad weyn noo ah in aannu ku soo dhawaynno qasriga madaxtooyada ergaygii qaabilsana Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Norway, horena wuu u yimi dalka oo sannadkii 2007 ayaa ugu dambaysay. Ergayga iyo annagu waxaannu ka wadahadalnay dawladda Norway oo aannu cilaaqaad weyn la leenahay sidii aannu cilaqaadkayaga iyo horumarkaa u kobcin lahayn iyo sidii aannu u wada shaqayn lahayn.
Wasiirka khaarajiga Somaliland iyo Ergayga ka socday dalka Norway
Wasiirka khaarajiga Somaliland iyo Ergayga ka socday dalka Norway
Dalka Norway waxa uu khibrad xoog leh u leeyahay arrimaha shidaalka amma khayraadka dabiiciga ah sidii ay wax innooga tari lahaayeen, innoogana dhisi lahayd, hadday tahay aqoon iyo awood-kobcinba, hadday tahay arrimaha kalluunka amma khayraadka kale. Sidoo kale, waxaannu ka wadahadalnay sidii ay wax noogala qaban lahaayeen arrimaha innaga dhexeeya Muqdisho ee ka mid yihiin wadahadallada siday hore uga socon lahaayeen, arrimaha nabadda, xagga budhcad-badeedda oo aad iyo aad u tixgeliyaan in aynu shaqo fiican ka qabanno iyo xagga argagixisada oo shaqo wanaagsan aynnu ka qabannay ayey noogu tahniyadeeyeen.
Waxa aannu doonaynaa in cilaaqaad buuxda aannu la yeelanno. Dawladda Norway waa dawlad aad khibrad ugu leh xagga wadahadallada, xagga shidaalka iyo macdanta, waddamo badanna wax u qabtay, markaa waxay doonayaan in ay wax nala qabtaan oo aannu soo dhawayno,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Ergayga gaarka ah ee Norway u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana kulankaas ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde.