Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Ka Halay Sababaha Madaxweynuhu Uga Muquurto Inuu Warbaahinta Si Toos Ah Ula Hadlo

Hargeysa (Berbera news) Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa si kulul uga jawaabay Su’aal nuxurkeedu ahaa sababta aan Madaxweyne Siilaanyo Shir Jaraa’id ugu qaban Warbaahinta ama aanu Bulshada ula hadal tan iyo markii la doortay. Waxa uu Mr dhuxul u sheegay Wariyaha Su’aasha waydiiyay inuu isla wakhtigaasi u gaynayo haddii uu su’aalo hayo.
 
 
 
 
 
Axmed Saleebaan Dhuxul oo Wariyaha Su’aasha waydiiya faraha ku taagaya ayaa ku jawaabay“ Imika diyaar maad u tahay inaan ku hor fadhiisiyo, Madaxweynuhu mar walba waa u diyaar, Ragga dawladda ku jiraana waa ka wakiil.hawsha la qabanayo ee Qaranka loo qabanayo wakiiladiisaa ka jawaabaya, isagaa ka jawaabaya, haddaad diyaar u tahay oo aad su’aalo hayso imikaan kuu gaynayaa”
 
 
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaan wali Warbaahinta hor fadhiisan oo aan uga jawaabin Su’aalaha ay qabaan ama aan Khudbad u jeedin Shacabka Somaliland, iyadoo Mucaaradku wakhtigan ku tilmaameen inaanu Olole dambe oo doorasho gali Karin. Wakhtiyada uu Madaxweynuhu ka soo noqdo Safarka ayaa Warbaahintu waydiisaa Su’aalo kooban oo inta badan Wasiiradiisu Wariyeyaasha Xakameeyaan mararka qaarna diidan ba in wax su’aal ah la waydiiyo.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa