Dagaal Galabta Deegaanka Dhahar Ku Dhex-maray Ciidamdda Qaranka Iyo Puntland

Dhahar (Berbera news) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Magaaladda Badhan Caydiid Axmed Nuur ayaa ka war-bxiyay dagaal galabka ka dhacay gudaha magaalada Dhahar, kadib markii Wasiirro ka socda Maamul goboleedka Puntland ay soo gaadheen Magaalada Dhahar.
 
 
 
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Badhan oo isagoo ku sugan magaalada Dhahar khadka tilifoonka ugu warramay shabakada Gudgudenews,waxaa uu sheegay in ay Magaalada Dhahar maanta galinkii dambe ay soo gaadheen Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland iyo laba Wasiir ku-xigeen, kuwaas oo u socday in ay Magaalada Dhahar ka smayeeyaan Maamul Dawlad hoose ah oo iyaga taageersna taasina ay keentay in uu halkaa dagaal ka dhaco oo ay Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Ciidanka Puntland ee ay wateen Wasiiradu dhex maray.
 
 
 
 
Taliye Caydiid ayaa intaa ku daray in laga saaray magaalada isla markaana ay jiraan Khasaare soo gaadhay oo uu tilmaamay in aanu tiradooda sheegi Karin.
Waxaanu intaa raaciyay in hal askari ciidanka Qaranka kaga geeriyooday dagaalka galabta ka dhacay magaalada Dhahar.
 
 
“Waxaa magaalada soo galay Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo laba Wasiir kuxigeen oo doonayay in ay magaalada Maamul deegaan oo iyaga ah ka sameeyaan,laakiin taasi umay suura galin oo waxaa dagaal kaga joojiyay wixii ay u socdeen ciidanka Qaranka Somaliland.”ayuu yidhi Taliye Caydiid .
 
 
 
Waxaanu intaa raaciyay isagoo ka jaaababay Dagaalk Galabta Dhahar ka dhacay inta uu Khasaarihiisu leeg-yahay iyo cidda hadda Magaalada gacanta ku haysa, waxaanu yidhi
 
 
“Magaalada waxaa gacanta ku haysa Somaliland oo imikadan aan kula hadlayo waxaan ku suganahay gudaha magaalada Dhahar,qasaaraha dhankooda shimasho iyo dhaawacba wuu jitaa laakin tiro ma sheegi karo,ciidanka Qaranka Somaliland-na hal Askari,ayaa nagaga dhintay dagaalka dibna waanu uga saarnay magaalada wdifaac ahaanna waanu isku filanayhay diyaarna wuu u yahay ciidanku oo imikaba heegan ayaanu ku jirnaa,waxaana dhici karta in ay dib isku soo uruursadaan.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa