Golaha Amaanka Oo Isku Raacay In La Joojiyo Dhaliyaradda Ku Biiraysa Kooxda Daacish

Hargeysa (Berbera news) Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobay ayaa isku raacay qaraar dhigaya in dalalka caalamka ay ka hor-istaagaan muwaadiniin-tooda ku biiraya kooxda Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.
 
 
 
 
Madaxweyne Barack Obama oo Guddoominayay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay khaasab tahay in dalalka dunida ku yaalla ay joojiyaan muwaadiniintood ku biiraysa kooxaha jihaad doonka ah iyo maalgelinta kooxahaas.
 
 
 
Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa ku baaqay in la helo dadaal caalami ah si loo kala furfuro kooxaha dagaallada wada oo uu ugu yeedhay shabakadda dhimashada.
 
 
 
Maalintii labaad ayaa dalal Carab ah iyo Maraykanku waxay dalka Suuriya ka wadaan duqaymo ay la beegsanayaan kooxda Daacish oo qaybo ka mid ah dalalka Suuriya iyo Ciraaq ka dagaalamaya.
 
 
 
Dhinaca kale, Raysal-wasaaraha Dalka Britain David Cameron ayaa isaguna xusay in Britain ay ka qayb-qaadan doonto duqaynta ka socota dalka Ciraaq ee ka dhanka kooxda Islaamiga ah ee loogu yeedho ISIS ama Daacish.
 
 
 
Cameron waxa uu sheegay in berri oo Jimco ah uu isugu yeedhi-doono xubnaha Baarlamaanka Britain si ay cod ugu qaadaan in Britain ay ku biirto dalalka ka wada Ciraaq iyo Suuriya hawl-gallada duqaymaha ah.
 
 
 
Barlamaanka Britain ayaa la sheegay inaan laga filayn inuu isku raaco inuu ka qay-bgalo Birtain duqaynta Suuriya, iyadoo sababta lagu sheegay in hore uu Baarlamaanku u diiday Britain sannadkii hore, inay Maraykanka kala qayb-qaadato tallaabo Milateri oo uu qaadayo.
 
 
 
Hoggaamiyaasha caalamka ayaa ka qayb-qaadanaya shirweynaha Qaramada Midoobay oo ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu wado in madaxda ka qayb-galaysa ay badankoodu ka hadlaan amniga dunida.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa