Hoggaamiyayaasha Ingiriiska Iyo Iran Oo Markii U Horaysay Kulan Yeeshay

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Dowlada Iran Xasan Rowxani iyo Raysal- wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron ayaa kulankii ugu horeeyey ku yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ee Dalka Maraykanka.
 
 
 
Hoggaamiyayaashan oo ka qayb-galaya Shirwaynaha 69-aad ee Qaramada Midoobaya ayaa kulankooda ahaa mid Taariikhi ah maadaama aanay madaxda Dalalkaasi wax kulan ah yeelan tan iyo sanadkii 1979-kii xiligaasi oo uu kacaankii Islaamiga ahaa ka dhacay Waddanka Iran.
 
 
Mr. Rowxani iyo Cameron ayaa ka wadahadlay dadaalka loogu jiro in Heshiis laga gadho Muranka ka taagan Barnaamijka Nukliyerka ee Iran.
 
 
Dalalka reer Galbeedka oo hore Cunaqabatayn Siyaasaddeedd iyo mid Dhaqaale saaray Wadanka Iran ayaa Bilihii la soo dhaafay dabacsanaan u muujinayey Dowlada Iran gaar ahaan Madaxweynaha cusub Xasan Rowxani oo Sanadkii hore la doortay.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.