Qaramadda Midoobay Oo Sheegtay Inay Muhiimadda Saarayaan Sidii 2016-ka Ay Somalia Uga Dhici Lahayd Doorasho

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Somaliya ay ku socoto wadiddi saxda ahayd ee lagu gaadh- lahaa dowladnimo dhamaystiran ,iyadoo ay jiraan hawlo-badan oo horyaalla xukuumadda hadda jirta iyo waliba beesha caalamka.
 
 
 
Banki-Moon ayaa ididiilllo ka muujiyay xaaladda Somaliya ,isaga oo tilmaamay in daganaansho siyaasadeed laga dareemayo gobolka ,waxaana u sheegay in muhiimadda ay saarayaan sidii dalka ay ugu dhici lahayd doorasho xor ah sanadka 2016-ka.
 
 
 
 
“Ma jiro waqti aan lumin karno hadii ay dhacayso doorashadaas ,waxaan ugu baaqayaa maamulada Somaliya in ay howshan ka qayb-qaataan” ayuu yidhi Moon oo ka hadlayay dood golaha ammaanku uu ka yeeshay arimaha Somaliya.
 
 
 
 
“Waxaan soo dhawaynayaa dadaallada dowladda Federaalka ah ay ku dhisayso maamulada KMG-ah iyo qabashada shirarka dib u heshiisiinta ah”ayuu hadalkiisa ku daray Bankimoon ,isaga oo ku baaqay in dumarka laga qayb-galiyo howlaha socda.
 
 
 
Ban Ki-Moon ayaa taageero u muujiyay hawl-galada ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Somaliya iyo AMISOM ee Al-shabaab lagaga saarayo goobaha ay gacanta ku hayaan ,isaga oo ku sheegay mid lagu soo celin karo kala-danbayntii dalka ka jirtay.
 
 
 
Ugu danbayntii xog-hayaha ayaa mar kale sheegay in uu ka-wer-wersan-yahay xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira qaybo kamid ah dalka ,waxaana uu dalbaday in la kordhiyo taageerada la siinayo shacabka Somaliyeed si looga gudbo abaaraha hadda jira.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa