“Xasan Sheekh Waxa Uu Ka Mid Yahay Dadka Qirtay, Inay Somaliland La Dagaalamayaan” Wasiir Cukuse

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukumadda Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud aanu ka hadli-karin Deegaanadda Somaliland oo uu hore u sheegay in aan la kala go’yn Karin 18-kii Gobol ee Somaliya.
 
 
 
Wasiirka oo maanta oo Khamisi ah warbaahinta la hadlay Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Adeer Aff-kiisa ayuun buu ka Sheegay dee ee Ninka Muqdisho fadhiya Hargeysa inay Gobol tahay iyo Inay Qaran tahay midna waxba laga waydiin maayo. Hargeysa waa Caasimada Jamhuuriyada Somaliland, Somaliand na waxay ka kooban tahay 13 Gobol, isna waxa uu ka hadlayaa wax kale oo malaha Barigii Siyaad Barre ayaa ugu dambeysay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse
 
 
 
Wasiir Cukuse waxa uu intaas ku daray “Waxaanu ka mid yahay uun kuwa Nacaybku ku fogaaday ee Qirtay inay iyagu Somaliland la dagaalamayaan, kuwaas buu ka mid yahay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
 
 
 
Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyadda qaranka ayaa hore jawaabo uga bixiyay hadalkan Madaxweynaha Somaliya, iyadda oo uu wadda-hadal u socodo Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Somaliland, kaas oo lagu waddo inuu wajigii 6-aad dhawaan qabsoomo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.