“Anigu Ma Qabo Siilanayo Talada Hayo, Sida Runta Ah. Xantuna Waxa Ay Odhanaysaa Waa Uu Xanuunsanayaa” Maxamed Xaashi

Hargeysa (Berbera news) Eng. Maxamed  Xaashi Cilmi oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa tibaaxay in aan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aanu dalka ka talin,waxaana uu u soo jeediyey in kursiga baneeyo inta magaciisa lagu shaqaysanaayo si ay shacbiga reer Somaliland ay u doortaan hogaan cusub oo talada dalka qabta.
 
 
 
 
 
Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey Munaasibada Qado sharaf ahayd oo ay dhalinyarada Bariga Magaalada Hargeysa ay u sameeyeen Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka,waxaana uu sheegay in ay aanay dalka Xukuumada Siilaanyo ugu tala galin in ay Doorashooyin ay dalka ka dhacaan,maadaama baa uu yidhi ay mushahar kordhin ay u samaysay Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Somaliland,waxaana uu Xukuumada si adag uu ugu dhaliilay Mushahar kordhinta ay u samaysay Baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay in ay ka mudnaayeen in Dadka danyarta ah wax loogu qabto,sida oo kalena lagu dhiso ama lagu kaabo goobaha adeegyada Caafimaadka.
 
 
 
 
 
 
“Xukuumadan waxaan leeyahay anigu ma qabo in uu isagu talada hayo,sida runta ah.Xantuna waxaa ay odhanaysaa waa uu xanuunsanayaa,Illaahay caafimaad ha siiyo.Laakiin kiiyoo inoo fududeeya ayaa ka fiicnaan lahayd in magaciisa lagu shaqaysto,Kiiyoo inoo fududeeya oo inagu cida aynu doonayno aynu doorano ayaa ka fiicnaan lahayd.Laakiin sidan uu yahay isagana uma fiican inagana mid uu inagu dhaqi karro maaha,waana arrimaha inoo yaala ee ay tahay in laga tashado”Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi Cilmi
 
 
 
 
 
 
Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi“Midna waan idiin sheegayaa Doorasho ma dhacayso, way kordhisanayaan,waxaa kuu daliil ah qoladii Baarlamaanka Mushaharkii waa loo kordhiyey,dabadeetano,intaas oo sanadood oo ay bilaash ku qaadanayaan lacagtaas ayaa ay ka door bidi doonan in ay Doorasho ay dhacdo,oo si wanaagsan wax loo doorto,kolkaa doorashana ha sugina haddii aynaan sanka ka tolin.Mushaharkaas la kordhiyeyna waxaa loo kordhiyey waa muddo korodhsi,Maxaa mushaharka loo korodhsnaayaa oo danyarta wax loogu qaban waayey,maxaa cisbitaalada loogu hagaajin waayey,maxaa iyaga loo siinayaa,iyagu dhaarii ay galeen waa ay ka baxeen,oo dhaar ay maanta ku jiraan ma jirto,qaarna waxaa ay igu yidhaahdeen Shantii Sano ee hore ayaa uun ay dhaartu ku eekayd,Kolkaa waxa weeyaan maanta arrimaha soo socdaa waa ay culusyihiin,dhabar adaygna waa ay u baahan yihiin,kolkaa waa in aynu taa ku tala galnaa”.
 
 
 
 
 
 
Eng:Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu sida oo kale uu iftiimiyey sida ay dawladaha aduunka ay uga go’antahay in ay Somaliland dib ula midawsiiyaan dawlada Somaliya,isaga oo carabka ku dhuftay in ujeedada laga leeyahay wadahadalka u socda Somaliland iyo Somaliyaba uu yahay mid looga gol leeyahay sidii Somaliland loogu dari lahaa dalka Somaliya,waxaana uu tilmaaamay in arrimahaas ay dabada ka riixayaan dawladaha reer Galbeedka iyo sida oo kale Shirkadaha Shidaalka.
 
 
 
 
 
 
“Dalku marxalad xun ayaa uu marayaa sida runtii ah,waad ogtihiin oo inaga iyo Somaliya mid ayaa lays kaga keen dhigay,waxa waxaas wataana waa shirkadaha shidaalka iyo dawladaha reer galbeedka oo ka danbeeya iyagaana inoo taliya oo wax inoo samaynaaya,iyaga ayaa soo ururinaaya sida aynu u dhaqmayno iyo sida ay Somaliya u dhaqmayso iyaga ayaa sameeya,wax walbana waxaa ay inoo soo maraan Somaliya.Xasan Sheekh ayaa aynu la saxeexanay,Kana aynu la saxeexanay ayuunbaa la shubayaa laakiin waxa weeye,Gobalada la dhisi doonana iyaga ayaa samynaaya,Markaa in aynu nidhaahdno waxaasi waxba kama jiraan oo inaga dalkayaga Ninkan Kay la yidhaahdaa noogu talin maayo ee ay yidhaahdeen meesha ayaa lagu soo qoray,walibana in uu inoo yimaadana maaha,in uu dib inoogu soo noqdana maaha.Markaa waxa weeye in aynu ogaano in caalamkan socda ee qarbiga u badani ee Maraykankuna Ciidamadeeda iyo Amaankeedaba uu dabada ka wado Taladana ay kolba Ingiriiska iyo wadaan ee marba shir lay noogu yeedhayo ee Somaliya loo qabtaa,waxa weeye waxaa laynagu wadaa Somaliya,deedna Somaliya ayaa ay inagu darayaan,oo dabadeedna in ay taladu ay xagooda ka soo baxdo,Ingiriis ayaa aynu diidnay,cid walba waa aynu diidnay,talo laynagu khasbi karaana ma jirto,mid lay noo keeni karaana ma jirto,haddaynu inagu aynu is ururino oo aynu dadaalno oo aynu yeelano talo qaran”Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi Cilmi.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa