Daawo: Xisbiga WADDANI Oo Sharci-daro Ku Tilmaamay Qaabkii Madaxweyne Siilanyo Uga Qayb-qaatay Diwaan-gelinta Madaniga Ah

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Cabdilaahi Axmed Maxamed waxa uu sheegay inay sharciyadda baal-marsan tahay qaabkii ay Xukuumada Somaliland Khamiistii Todobaadkii hore ay u qabatay Diwaangelint Madaniga oo loo galay hab Tijaabo ah. Isaga oo ku sababeeyay in aan Weli Baarlaamnku ansixin.
 
 
 
 
Cabdilaahi Axmed Maxamed oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay inay Xisbi ahaan Baarlamaanka u soo jeediyaan inay u yeedhaan Wasiiradda ay khusayso arrinta Diwaan-gelintu.
 
 
 
 
Diwaangelintan ayaa waxa Todobaadkii hore ka qayb-qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo qaar ka mid ah Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Hargeysa.
 
 
 
 
Diwaan-gelintan Madaniga ah oo lagu waddo inay dhawaan ka qabsoonto Somaliland ayaa maanta Hab Tijaabo ah loogu qabtay Magaaladda Hargeysa, waxaana ka qayb-qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, iyo qaar ka mid ah Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Hargeysa, iyadda oo aanay weli Baarlamaanku ansixin.
 
 
 
 
 
Halkan ka Daawo.
 

 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa