“Gefaf Badan Ayaa Madaxweynaha Laga Tirsanayaa, Waxaana Ka Mid Ah Tii La Wadda-maqlayay Ee Wasiirka-Wasiirada Ma Raysal-wasaare”

Hargeysa (Berbera news) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si kulul u cambaareeyey talaabada ay Xukuumadu ku bilawday in ay dalka ka hirgaliso Diiwaan gelinta Madaniga ah iyada oo sharcigeedii wali aan Baarlamaanku ansixinin.
 
 
 
 
Xoghayaha Xidhiidhada Gobalada ee Xisbiga WADDANI Md:Cabdilaahi Axmed Maxamed oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xukuumadu ay ku tumatay shuruucdii dalka loogana baahan yahay in ay sida ugu dhakhsaha badan uu Madaxweyne Siilaanyo bulshada ugu cadeeyo in ay gef sharciya ay galeen.
 
 
 
 
“Maanta waxaan doonaynaa in aanu ka wada hadalno arrin aad ogaydeen in laga wada heshiiyey,oo labada Xisbi Mucaarad iyo Xukuumaduba ay ka heshiiyeen,oo meel la dhigay oo ahayd arrintii Diiwaan-gelinta oo iyada lagu heshiiyey marka la soo koobo in aan labada Diiwaan gelinood aanay is dabrin oo shaqo isku lahayn,si barbar ahna ay u wada socdaan,arrintaas waa laga heshiiyey oo waad ogaydeen oo waxaa hada ka soo noqday oo hada taagan arrin sharci darro ah,oo kaliftay in aan cid walba oo qaranka iyo Umada danaynaysa aanu u sheegno.qodabkaasi waxaa uu yahay Diiwaan-gelintii lagu balan sanaa in ay sidan u shaqayso,ayaa sifo sharci darro ah ku bilaabantay,iyada oo Baarlamaankii uu faraha kula jiro oo aan sharcigii iyada oo aan la soo saarin ayaa madaxweynihii Qaranka nasiib darro isaga iyo sideedii Wasiir ee ugu tunka roonaa oo aad moodo in ay dayax gacmeed ay furayaan,oo aad u farax san oo leh maanta ayaa aynu Ictiraafkii helnay oo aynu guushii gaadhnay,iyaga oo ku sii tumanaaya ama isku sii taagaya sharcigii wadanka oo aan u aabo yeelahayn umaddu waxii ay dhigatay iyo waxii lagu heshiiyey toona”Ayuu yidhi Cabdilaahi Daamur
 
 
 
 
Cabdilaahi Daamur oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:”Waxaan idiin sheegayaa oo aan u sheegayaa umadda reer Somaliland haddii ay arrimuhu ay sidan ku sii socdaan oo sharciga sidaas dhibka yar loogu tunto,waad ogtihiin oo sharcigii Faham ahaan ayaa uun lagu heshiiyey oo baarlamaankii ayaa sharcigii wada oo wali ma uusan soo dhaafin,waxaana aad maqalayseen Diiwaan gelintii ayaa la bilaabay oo waliba Madaxweynuha ayaa bilaabay Nasiib darro Madaxweynu isaga oo khalday halkii uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashayba,laba jeer qalday waxaa jira,waxaa jira oo aanu umadda u sheegay sharci darradaa dhacday in ay umaddu ay ka noqoto oo ay sheegtana gefka ay gashay oo madaxweynahu uu umadda u sheego in gef galeen waayo gefaf badan ayaa Madaxweynaha laga tirsanayaa,waxaa ka mid ah tii shalay la wada maqlaayey ee uu lahaa Wasiirka Wasiirada ama Raysal Wasaare ayaa jira uu Madaxweynuhu lahaa taa waan laysku qabsaday arrintaan aad ayaa looga wada hadlay sharci ahaana waa laga hadlay in uu dastuurka ku qaldan yahay”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa