Muran Ka Dhashay Dhaqaalihii La Siinayay Shaqaalaha Diwaan-gelinta Oo Sababay Shaqo-joojin

Hargeysa (Berbera news) Shaqaalaha Diwaan-galinta Madaniga ah ayaaMaanta Shaqo joojin sameeyay ka dib markii Wasaaradda Arimaha gudaha ay isku maandhaafeen Mushaharka Shaqaalaha la siinayo.
 
 
 
 
Shaqaalaha ayaa diidan Lacaga Xukumadda u qorsheysay oo maalintii ah $13 Dollar, bishiina Noqonaysa ilaa $400 Dollar, hase ahaatee Shaqaalaha oo ku doodaya inaan Shaqada ay qabanayaan iyo Mushaharkani isku dhigmin ayaa ku gacan saydhay Qorshaha Xukumadda.
 
 
 
 
 
Shaqaalaha ayaa faraha ka qaaday Shaqadii Diwaangalinta ee Socotay islamarkaana Saaka Cabasho la horyimid Wasaaradda Daakhiliga, waxaana halkaasi kula hadlay Wasiir xigeenka Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga,Badhasaabka Maroodijeex iyo Duqa Caasimada oo Shaqaalaha u sheegay inaan Xukumaddu bixin Karin wax ka badan in $400 Qofkiiba la siiyo bishii,
 
 
 
 
 
Hase ahaatee Shaqaaluhu kuma qancin arintaasi waxaanay wali ku sugan yihiin Xarunta Gobolka iyo Wasaaradda cusub ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha.
 
 
Berbera news/Hargeysa