Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Ka Hadlay Heshiis La Sheegay Inuu Dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo hore u ahaan jiray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay wadda gaadheen Heshiis salka ku haya Ehelnimo,balse waxa uu xusay in aanay aanu jirin Heshiiska ku saabsan arrimo Siyaasadeed.
 
 
 
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay inay u qorshaysnayn inuu ka qayb ka noqodo Siyasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE
 
 
 
Siyasigan ayaa ka mid ahaa Dadka ugu dhawaayeen Madaxweyne Siilaanyo oo ay muddo badan ay ka midysanaayeen Mab’daa Siyaasadd oo dhawrkii Sano uu dambeyay ay ku kala fogaayeen Saxadda Siyaasadda, kaas oo shirkii sadexad ee Golaha dhexe ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka hor yimi Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 

 
 
 
 
 
 
Berbera News/Hargeysa