“Dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiiggooda ku difaacaan cid kastoo ku soo xadgudubta .”Silaanyo

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in doorashooyinku muhiim u yihiin qaddiyadda Somaliland, isagoo xusay inay soo dhawaynayaan doorka qaadhaan-bixiyeyaashu ka qaataan hawlahaas.

Md. Siilaanyo oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa shalay, waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay garowsadaan xaqa aayo-ka-tashiga ummadda Somaliland.

Madax. Silaanyo

“Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay garwaaqsadaan xaqiiqda Somaliland. Waxaannu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimoqraadiyadad ka hana-qaadday dalkan, waana noo muhiim doorashooyinku, waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaannu intaas raaciyey; “Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay isku duubnaadaan, dalka illaashadaan, meelna uga soo wada jeedaan cadawgooda.”

Waxa kaloo uu tilmaamay in midnimadii Soomaaliya fashilantay, sidaas darteedna aanay reer Somaliland diyaar u ahayn durbaanka Soomaali-weyn, waxaannu yidhi; “Midnimadii Soomaaliya waatii fashilantay, diyaarna uma nihin durbaanka Soomaali-weyn. Dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiiggooda ku difaacaan cid kastoo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, baddiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Soomaaliya u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aannu ku heshiinnay, kana warwareegayso miiskii wadahadallada. Waxaannu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadallada si aynnu u kala baxno.”

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweynaha maamulka Muqdisho, waxaannu yidhi; “Waxaan jecelahay in aan kelmad ka idhaahdo Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladdiisa oo weli ku naaloonaya midnimo, dunidana u tebinayey war khaldan iyo riyo aan waxba ka jirin.

Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madaxbannaan, dadkiisuna way tashadeen, waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda  97 % ku meel-mariyey dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo jiritaankooda.”