Golaha WakiilladaSomaliland oo ansixiyey in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilladu isku mar dhacaan

Hargeysa(Berberanews):- Mudanayaasha Golaha WakiilladaSomaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada isku mar la wada qabto badhtamaha sannadka soo socda, waxay sidoo kale ansixiyeen Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha Somaliland oo Madaxweynuhu dhawaan u soo gudbiyey.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaa ka soo qaybgalay 66 Xildhibaan oo ka tirsan 82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanu Guddoomiyuhu furitaankii fadhigaas Mudanayaasha u akhriyey qoraal sheegaya inay u codeeyaan in doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto iyo in wakhtiyo kala duwan la qabto.

Waxa kale oo uu Mudanayaasha ku war-geliyey in sidoo kale qodobka labaad ee maanta u yaallaa yahay cod-u-qaadista Xeerka diiwaangelinnada Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha oo dooddeeda Golahaasi soo gebo-gabeeyey Sabtidii toddobaadkan. 64 Mudane ayaa oggolaaday in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada isku mar la wada qabto, halka uu hal Xildhibaan ka diiday, cid ka aammustay ma jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale, waxay Xildhibaannadu u codeeyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo ay Mudanayaashu hore ugu kala aragti duwanaayeen, waxaana u codeeyey in la ansixiyo Xeerkaan 64 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, cid ka aammustay ma jirin Guddoomiyuhuna ma codayn.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo ku dhawaaqay natiijada Codaynta Mudanayaasha Golaha Wakiilladu u qaadeen wada-qabashada doorashooyinka iyo Xeerka diiwaangelinnada, waxaanu sheegay inay labadaas qodob ee ay Xildhibaannadu u codeeyeen-ba sidaas ku ansaxeen.

Waxa kale oo uu Guddoomiye Cirro ka hadlay muhiimadda go’aanka Golaha Wakiilladu maanta meel-mariyey u leeyahay dalka iyo dadka Somaliland. “Goluhu wuxuu isku raacay in hal mar la wada qabto doorashada Madaxweynaha iyo ta Golaha Wakiillada si looga raysto dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jiray iyo in laga nasto in sannad walba doorasho dalka ka dhacdo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Go’aankan Golaha Wakiilladu maanta ansixiyey ee ah in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, ayaa haddii uu sidaas ku meel-maro oo aan Golayaasha kale ee arrintani khusaysaa soo celin ee ay iyaguna ku raacaan, waxay doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dhacaan badhtamaha 2015-ka waxa ay noqon doonaan doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland hal mar laga wada qabto haddii ay sidaas u dhacdo.