Taliyihii Saldhigga Degmada Arabsiyo oo u geeriyoodey xabad uu la beegsaday askari

Hargeysa (Berberanews) – Taliyihii saldhigga Booliska degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali (Cabdi Casee), ayaa geeriyooday kadib markii uu toogtay askari ciidankiisa ka tirsan maanta.

Taliyaha oo xabbad uu ku dhuftay askari ka tirsan ciidanka booliska waqti uu gelinkii hore ee maanta ku sugnaa badhtamaha magaalada Gabiley, ayaa dhaawac soo gaadhay loola soo cararay cusbitaalka guud ee Hargeysa oo qalliin loogu sameeyey.

Haseyeeshee, Taliye Cabdi Casee ayaa dhaawacii soo gaadhay u geeriyooday galabta, sida uu xaqiijiyey Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha guud ee boolisku waxa uu sheegay in ciidanku baadhitaan ku hayaan sababta dilka Taliyaha, isla markaana eedaysanaha dilka gaystay oo la xidhay si degdeg ah loo horgayn doono maxkamadda ciidammada