Cukuse: Ma Beddeli doontaa Beenta, Ballan-xumada iyo Booli-ku-dhaqankaan Kugu Bartay?

Maqaalkan waxa aan diyaariyay 30 July 2013 22:02. Aniga oo saxaafadda u diri raba ayaa ay ergo iga guntatay. Xilligii aan ahaa ninka wanaagsan ee ergada maqla ayay ahayd. Imaka sannadku waa 2014ka, siyaasaddu ma laha ergo iyo adeer, walaal iyo abti, inaadeer iyo waalid. Keliya dadka aragti ayaa midaysa.

Cukuse

Goaanka aan qaatayna waa in aan Madaxtooyada keenno 1966. Ma raggii 1936kii dhashay ayaa talada haynaya? SNM dalka ma iyada xoraysatay?. Toban sanno ayaanu qaxoonti ugu jirnay halgankii ay galeen, aniga oo afar jir ah ayaan qamaddidaydii ugu deeqay halgankii dib-u-uxoreynta qaranka. Ma cid iga mujaahidsan ayaa Somaliland ku nool?. Waa xilligii aan madaxda qaranka ka mid ahaan lahaa. Weliba haddii ay doorashadu hal maalin dhaafto “waxan ahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”.

Bishii hore ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) soo saaray digreeto isugu jirtay nasin, magacaabid iyo isku-shaandhayn ku aaddanayd Golaha Wasiirrada, waxaana Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland loo xulay Md C/Laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Masuulkani waxa uu hore Xukuumadda uga qabtay xilal ay ka mid yihiin Af-hayeenka Madaxtooyada iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta. Inta aan ka war-qabona waxa uu jagooyin kale ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee waddanka majaraha u hayay sida maayar ku-xigeenka caasimadda, wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo xiili ii uu ahaa wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Hoggaamiyaha Qaranku isaga ayaa xaq u leh inuu maamulka qaranka u dhiibo hadba cidda uu arko inay shaqada dalka si waafi ah u gudan karaan, waxa aanse la yaabay hambalyada aan loo meel-dayin oo loo diray Cukuse iyo munaasibado loo qabtay soo-dhaweyntiisa .

“Miyaanu Cukuse ahayn qofkii aad baratay? Maxaa kala-maan ka dhigay aragtida aad ka qabto iyo fekerka dadkan bogaadinaya? Maxaa iska beddelay Beentii, ballan-darradii iyo hab-dhaqankii saluugga mudnaa ee aad ku taqaannay? Nin hadduu seexdo oo soo tooso miyaanu isagii ahayn? Ma dib ayuu u dhalanayaa? Muxuu soo kordhinayaa? ” Su’aalahaas iyo kuwo ka badan ayaa garaadka si darandoorri ah ugu godladay. dhaqadhambaalkanna waxa aan ku iftiimin doonaa inta aan ka aqaanno Wasiir Cukuse.

Aragtidiisa qof ahaaneed waxa iigu horreysay isaga oo ah Guddoomiyeha Wargeyska Saxansaxo maalin uu Wareysi ka qaadayay Alle ha u naxariistee Axmed Maxamed Xaaji Bidaar oo ahaa Xubin ka tirsanaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka waa sannadkii 2009ka.

Haddii aan xuso qoraalladii xilkasnimada ka fogaa ee uu markaas saxaafadda ku daabici jiray waxa ka mid ahaa war-ku-sheeg ciwaan looga dhigay “Daahir Rayaale oo ka qayb-galay aaska adeegtadii Gurigiisa”. Intaas waxa uu ku ladhay eedayn ah in aanu Daahir ka qayb-gelin aaska dad uu magacyadooda carrabaabay.

Miyaanu Madaxweynuhu xaq u lahayn inuu tago aaska qof qoyskiisa ka tirsan? Ma waajib ayaa inuu tago xabaasha cidda aad Cukusoow mudanka u arkaysay?. Waa cambaarayntii micna-darrada ahayd ee horseedday inuu Daahir Rayaale yidhaahdo “Waan iska daayay akhriska qaar ka mid ah wargeysyada ku soo baxa Hargeysa”.

Malaha taleefan aannu ka wada hadalnana waxa bilaw u ahayd March/2009ka kolkaas oo ay Dhallinyarada Gacan-Libaax maagganayeen inay sameeyaan bannaan-bax ay ku doonayaan in degmada loo sameeyo gego-ciyaareed. Isaga oo i weydiiyay inaanu warqadda codsiga mudaharaadka u gudbinnay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu markaas madax ka ahaa Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro). Ciwaan kale ayaa ahaa “Daahir Rayaale oo ka murugooday geerida Cali Maarshaal iyo Axmed Siilaanyo oo ka warramay socdaalka uu dibadda kaga soo laabtay”.

Waa laga cabaaday, tolow ma abaal-laawennimada Siilaanyo ayuu sarbeeb ku sheegayay? Cali-gurey waxa laga hayaa “Cali Maarshaal ayaa ka nasiib badnaa Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir Faarax iyo Maxamed Xaashi Cilmi. Waxa uu ka geeriyooday in uu la kulmo Siilaanyo oo Madaxweyne ah”.

Xilli ay wasiirradii Duulista Hawada, Maaliyadda, Qoyska iyo Hawlaha Guud shir kula yeesheen dhallinyarada Galbeedka Burco, Bariga Hargeysa, Koonfurta Saaxil, Ceerigaabo iyo Galbeedka Saraar hoolka haayadda shaqaalaha Dawladda waxa aan ogaa isaga oo si weyn u doonaya in uu ogaado waxa ay wasiirradu kala shireen barbaarta. Si aan xishood lahay anuu bogga kowaad ugu qoray “Wasiirrada Habar Yoonis oo u biyaystay in ay la shiraan dhallinyarada beeshooda”.

Waan garan karaa ciddii uu adeegsaday iyo qofka warbixinta siiyay labadaba. Lacag ayuu ku bixinayay in uu arrin reer fagaare soo dhigo. Taasi ma anshaxa saxaafaddaa? Isagu ma Habar Yoonisbaa? Miyaanu isaguba la fiqin boqollaal aan garanayo! Bal sidii uu u dabagalka u samayn jiray ayaan anna u raad-gurayaa saaka!

Ayaan-darrada xilligaas Cukuse haysatay iyo sharci-darrada caadada u ahayd waxa aan ka xusi karaa in uu isu cumaamaday urur aan cidi ku labaynnin oo uu ku asteeyay inay ku midoobeen Saxaafadda Somaliland, magaciisana la odhan jiray USJ oo loo soo gaabiyay Union of Somaliland Journalists oo noqonaya marka la hal-tebiyo Midawga Saxafiyiinta Somaliland. Waar ka daa! Ma keligaa ayaa bulsho meteli karta? Yaad ka haysataa diiwaan-gelin sharci ah oo aad ku hawl-gasho? Maxaad uga mid noqon weyday SOLJA oo aad karti, aqoon iyo awoodba ugu biiri weyday?

Haddii aan toos u oogta uga caddeeyo xidhiidhka shakhsi ahaaneed ee na dhex maray Cukuse intii uu xilalka kala duwan ka hayay Xukuumadda saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxa ay ahayd bishii Ogos, sannadkii 2011-ka markii aan isaga oo ah af-hayeenka Madaxtooyada ka dalbaday inuu fududeeyo sidii aan u heli lahaa kelmad-maamuus lagu daro diiwaanka Samo-talis: Taariikhda Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo eegga ifka u soo baxay.

Weedhaas waxa aan ka ka rabay masuul xil-sare ka haya Qasriga oo kulankiisu igu adkaaday, xidhiidh horena aannaan lahayn isla markaana aan gadaal ka magacaabi doono, isla maalmihiiba waxa aan Cukuse u gudbiyay weydiimihii aan rabay in la iiga warceliyo iyo xog daah-fureysa dhacdooyinka diiwaankan ku duugan.. Su’alaahaas iyo warbixinta ku lammaani maxay ahaayeen? Yay ku socdeen? Miyuu aqbalay mise diiday arrinka loo bandhigay? Muxuu ka yeelay xaajadii? Haa, Maya iyo Meermeerin midkee ayuu sameeyay? La Soco Haddii Alle idmo

Annaga oo marayna madaxtooyada hortiisa aniga iyo Xuseen Xasan Yuusuf-cadde oo Cukuse la soconna ayaa waxa gaadhiga Cukuse soo fuulay nin mujaahid ah oo ka tirsanaa UDHIS. Taleefan ayaa ku soo dhacay, waxa shaxaadayay nin wasiir ahaa xilligii UDUB. Markii uu dhigay waxa uu yidhi “Waar goorma ayay durba lacagti ka dhammaatay. Ma hantida uu Maxamed Xaashi hayo ayay wax ka rabaabn? Durba goorma ayay qaylinayaan”.

Adigu inteed bar-xisaabeedka ku shubatay? Haddii uu intaas yidhi, waxa uu raaciyay “Hadda ayaan madaxweynaha idiin geynayaa, ma haysataan qalab?”. Waxa aanu u sheegnay in aanu moobil haynno “madaxweynaha moobil wax lagagama duubo”. In aanu raadinno voice recorder ayaanu isla garannay. Waa qof aan garan karin in dadka la siiyo wakhti cad oo la kulmo, isaga oo aan Madaxweynaha wargelin ayuu rabaa in aanu jujuub ku weydiinno wax u baahan in uu ka sii fekero!

Wasiir Cukuse waxa aanu isla garannay in aan maalin Axad ah la soo hadlo. Ma qeexna 0/10 maxay noqonaysaa? Afka Ingiriisiga waxa lagu yidhaahdaa “undefined”. Waa inta aan xisaabta ka aqaanno, waxan ayaa iga qabsaday

“Axaddii darbaa geeyay meel, duudyadii Herere

Isniintiiba duri baa ku dhacay, waa duq aan kicine

Darka waad u helaysaa kanshee, kaadso doobyahaw’e

Mujaahide “daf” yidhi bay xafiis, xayntu daaddihine

Saakana anaan dool ku tegin, daba-dhiggaygiiye”

Dibnihiisa kama gaabiyeen, Xaajigaa dirane

Cirro iyo Aqoonyahan debbere, diidmadii Xarafe

Waxba yaanu goortaan “dug” dhaho, dogobyo ii qiijin!

Bal eega inta dhacdo ee isku darsan tahay dabayaaqadii 2011ka illaa horraantii 2012ka! Ma aniga ayaan xilkas ahayn mise Cukuse oo aqoon wax aan ahayn “maxaad la cabanaysaa, yaa iga qabta”.

Axad: waa fasax ku beegmay sannadkii cusbaa ee Islaamka

Axad: Waxa la dhagax-dhigayaa Madaarka Hargeysa

Axad: Madaxweynihi ma soo toosin

Axad: Cukuse ayaan xafiiskiisa iman

Axad: Siciid Gahayr ayaa cadhadii seexday

Axad: Siciid Gahayr ayaa macaan ku dhacay sidaas ayuu hawshiiba u awoodi waayay

Maalin Ramadaan ah ayaan wacay Cukuse. Waxa aanu galnay madaxtooyada, waxa kow iyo tobankii soo galay Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay barbar socdaan Wasiirrada Madaxtooyada, Maaliyadda, Guddoomiyaha KULMIYE UCID iyo rag badan oo kale. Waa xilligii uu wada-hadalku socday sidaas ayaan ku seegay. Haddii aan maalin kale wacay waxa uu yidhi “waxba ma rabtid ee iska dhig taleefanka”.

Bishii Oktoobar sannadka 2012ka ayaan daabacay laba nuqul oo Samo-talis ah, iyada oo la furayo waddada Sallaxlay ayaan u dhiibay Cukuse “haa adeer miyaad dhammaysay. Imaka ayaynu ka duubaynnaa” ayuu yidhi. Gaadhi aan watay ayaan u dhiibay rag kale. Kiisa ayaan soo raacay, waxaanu soo dhex cararnay madaarka Cigaal, markii aanu maraynno Ceel-geeye oo gurigiisa u dhow ayuu la soo baxay caagad malab ah. Inta aan waxoogaa xantoobiyay ayuu ii eegay sidii qof aanu garanayn. “Ka daa” ayuu igaga nixiyay. Judhiiba waxa uu ii raaciyay “Iga deg”. Durba wuu illaaway in aan ahaa ninkii Xaajiga buuggiisa u dhiibay iyo hawsha aanu u wada soconno.

Waa ninka aan laba sanno bari waayay magacayga, muuqaalkayga iyo taleefan numberkayga. Waa ninka ugu xusuusta daran wasiirrada, waa ninka ugu liita xagga anshaxa, qiimaynta iyo qaddarinta. Sannadkii 2013ka ayaan ugu af-gobaadsaday “waan iska daayay ereygii oo Xirsi ayaa mid ii sheegay, adigana waxa aan kugu daray mahad-naqa buugga Xaaji Cabdi. “Waad mahadsan tahay” ayuu yidhi annaga oo madaarka Hargeysa u joogna sii-dhaweynta Siilaanyo iyo aaska duqii hore ee Caasimadda Hargeysa Marxmuum Yuusuf Warsame Siciid.

Cukuse aynu weydiinno …..

La soco insha Allah

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.