Madaxweyne Ku-xigeenka oo kulan la yeeshay Wefti Norway ka socda

Madaxwyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiin kale oo isugu jiray Wasiirro, Wasiirru-dawlayaal iyo Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Aamina-Waris Sheekh Muxumed Jirde, ayaa Khamiistii Maanta si diirran u soo dhaweeyey Wefti ka kooban 12 Xubnood oo ka socda dalka Norway.

kulanka ku-xigeenka iyo weftiga

XAASKA SIILAANYO IYO NAAG CAD WEFTIGA NORWAY WEFTI CAALAMIYA IYO AAMINA-WARIS WASIIRRO SOMALILAND KA TIRSAN

Weftigan oo ay Madaxweyne Ku-xigeenka, Marwada Madaxaweynaha iyo Masuuliyiinta kale soo dhaweeyeen, isla markaana kulanka la yeesheen, ayaa isugu jiray Macallimiin wax ka dhiga Jaamacadaha Norway iyo Xubno ka tirsan Ururrada Bulshada ee waddankaas.

Xubnaha Weftigan, ayaa waxay sheegeen in ujeeddada socdaalkoodu salka ku hayso inay wax ka ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee dhinacyada Waxbarashada, horumarka, Ganacsiga iyo qaabka ay u shaqeeyaan Ururrada Bulshada, Nabadda iyo waxyaabaha kale ee ka jira dalka Somaliland.

Kulankaas dhex-maray Weftiga reer Norway iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka dhankiisa ku weheliyey Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Wasiiru-dawlaha Maaliyadda. Waxaanu Md. Saylici sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada weftigan xaqiiqo-raadinta u ah wax ka barashada Somaliland, kuna soo dhawaynayaan dalka.

Sidoo kale, Xubnaha Weftiga Noray ka socday oo Dumar u badnaa waxay kulan gaar ah la yeesheen Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxemd Jirde, iyada oo Marwadu uga mahadnaqday Weftiga sida sharafta iyo qadarinta leh ee ay wakhtigooda u soo siiyeen inay Somaliland ka bartaan dunida inteeda kale, uguna kuurgalaan waxay Somaliland tahay iyo halka ay adduunka kaga taalla-ba, sida ay sheegtay Marwadu.

Mid ka mid ah Haweenka Weftigan Norway ka yimi oo lagu magacaabo Brit Riise Fedheim, ayaa kulankaas ka sheegtay inay Lacag Kun Doollar ah si gaar ah ay ugu deeqayso Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, Lacagtaas oo ay sheegtay in wax loogu qabto Hooyooyinka iyo Carruurta Cusbitaalka ku jira.

Weftigan, ayaa muddo joogi doona Somaliland, isla markaana booqan doona goobo kala duwan oo waddanka ka tirsan sida kulanka laga sheegay, iyaga oo Masuuliyiinta kala duwan ee soo dhaweeyey sheegeen inay ku faraxsan yihiin booqashada ay Somaliland ku yimaaddeen, si diirranna ugu soo dhawaynayaan dalkooda.

Hadalladii Kulammadaas ka dib ay halkaas laga jeediyey waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Dhegaysi habboon.