Madaxweyne Silaanyo oo hambalyo u diray shacabka Munaasibadda Ciidda Adxa

Hambalyada Madaxweynaha Ciidal Adxa 2014

 

Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

 

 

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una dinbi dhaafo.

 

Aamiin              Aamiin              Aamiin

 

 

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.