Dhagayso: Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ka Digay Xasilooni-daro Uu Sheegay Inay Ka Dhalan-karto Ciiddanka OPU

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo maanta Salaaddii Ciidda la Tukadday Shacabka ku dhaqan Degmadda 26 June ayaa sheegay in xaalad Xasilooni-darro ay ka dhalan karto aasaaska Ciiddanka OPU ((Oil Protection Unit) ama Ciiddanka Ilaalinta Shidaalka baadhista oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Digreetadda ku amray aasaaskoodda.
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay in aasaaska Ciiddankan aanu meel-na kaga jirin Dastuurka Somaliland, isaga oo xusay in Dasuurku ogal-yahay saddex Ciiddan oo kala ah Ciiddanka Booliska, Qaranka iyo Asluubta.
 
 
 
 
Halkan ka dhagayso.
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa