“Waxaad Moodda Inay Baryahan Dambe Inagu Bateen Hadal-haynta Qabiilku, Waxaan Leeyahay Aynu ka Waantowno” Madaxweyne Ku Xigeenka

Hargeysa (Berbera news) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa Sheegay in dhibaatada kaliya ee wakhtigan Somaliland haysataa tahay Qabyaalada.waxa uu sheegay in hadal haynta qabyaaladu wakhtiyadan aad ugu faro badan tahay,isagoo xusay inaanay qabyaaladi meel gaadhsiinayn Bulshada Somaliland.
 
 
 
 
Madaxweyne Xigeenka oo qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa kula tukaday Salaadda Ciida Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa ayaa ka dayriyay Heerka qabyaaladu marayso, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Marka laga yimaado Balwadaha iyo Qaadka, Aafada kaliya ee maanta ina haysataa waxa weeye Qabiil,Qabiilna meel uu maanta ina gaadhsiinayaa ma jirto oo qabiil iyo qaranimo meel ma wada yimaadaan” ayuu yidhi madaxweyne Xigeenku.
 
 
 
 
 
 
Madaxweyne Xigeenka oo ka sii hadlaya Qabyaaladda ayaa yidhi “Waxaad moodaa inay Baryahan aad inoogu bateen hadal haynta qabiilku.Waxaan leeyahay Umadda reer Somaliland haddii ay saxaafad tahay,haddii ay Siyaasiyiin tahay,haddii ay Shacbiga gidaar walba Qabyaalada la jooga ay tahay inaynu ka waantowno Qabyaalada”
 
 
 
Madaxweyne xigeenku waxa uu sheegay in Cida wax sheeganaysaa jid kale u marto Tabashadeeda “Cida wax tabanaysa waxaa qurux badan inay ku hadasho Magac deegaan,qabyaaladna waxba soo kordhin mayso,waa kii Nabigu Yidhi SCW ‘Qabyaaladu waa Qudhun’, Abwaankeeniina yidhi ‘Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaan’, waanad arkaysaan halkay Soomaali guud ahaan marinayso”
 
 
 
 
Madaxweyne Xigeenku waxa uu Bulshada Somaliland u tilmaamay jidka lagaga bixi karo Dhibaatada laguna gaadhi karo Himilada Somaliland “Umadda Somaliland Cadaw badan bay leedahay, waxaynu kaga gudbi karaa oo Himilada aynu inta badan u soo dagaalamaynay ku gaadhi karaa inagoo Gacmaha isqabsana oo Magaca Somaliland wax kuwada doona”.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa