“Xukuumaddu Waxay Si Badheeh Ah U Samaysay, Ciiddan Aan La Garanayn Cid Ka Masuul Ah” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa a Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay abuurayso Ciidan aan la garanayn cid Masuulka ah,kaasi oo ula jeedo Ciidanka ilaalinta Shidaal Baadhista.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xukumaddeenu waxay si badheedh ah u samaynaysaa, Ciidan aan la garanayn cid Alle cid ka masuul ah.sida la sheegayo waxa uu Ciidankani ilaalinayaa Kambaniyada Saliida baadhaya, waar hooy arinkaas halaga digtoonaado,Waar hooy arinkaasi dagaal sokeeye ayuu inagu bilaabi karayaa,Waar hooy Ciidankaasi oo kale ayaa wadamo badan oo Africa ah halaag ku abuuray” ayuu yidhi Mud.Jamaal Cali Xuseen.
 
 
 
 
Musharax Jamaal oo arintan ka sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan ka soo horjeedaa oo aan Xukumaddana kula talinayaa inay ciidankaasi ka waantowdo,kaasi oo dalka Fawdo ku abuuri kara.bal tusaale ahaan ciidankaas oo talada ama go’aanka ka qaadanaya shirkaddaha Caalamiga ah ee Badroolka baadhaya, haddii ay reeraha Shidaalka laga ag qodayo ay isku dhacaan waxaa ka abuurmaysa fidmo,wax dawladdu ka qaban karaysana ma jirto”
 
 
 
 
Musharax Jamaal waxa uu ku celceliyay in Ciidankan Aasaaskiisu baalmarsan yahay Dastuurka “Askarigu Ninka qortay ee Mushaharka siinaya ayuun buu amarkiisa qaadanayaa,waxaan leeyahay arinkani maaha arin ciyaar ah,waa arin khatar inagu abuuri karaya,waa arin ka soo horjeeda Dastuurka Somaliland.Dawladda waxaa laga doonayaa inay noqoto ta Sharciga dhawraysa ee maaha inay noqoto mid si Indho la’aan ah Sharciga u jabinaysa” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
 
 
 
 
Todobaad ka hor ayaa Madaxweynaha Somaliland Digreeto ku aasaasay Ciidanka ilaalinta Sahaminta iyo Soo saarista Shidaalka(Oil Protection Unit) oo hoos tagaya sida uu sheegay Booliska.Ciidankan waxa fikirka lagu abuuray ka yimid Shirkaddaha Shidaalka oo ka cawday amaan daro loo aanaynayo Cabashooyin ka yimid Beelaha degaanka.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa